Qatar iyo Iran oo ka wada hadlaya xaalada gobolka

Image

DOOXA, Qadar – Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa la filayaa inuu u safro Tehraan Khamiista si uu arrimaha gobolka ugala hadlo mas’uuliyiinta ugu sarreysa Iran, sida uu baahiyay talefashinka Al Jazeera.

Safarka ayaa yimid ka dib markii Al Thani, oo sidoo kale ah ra'iisul wasaare ku xigeenka Qatar, uu wadahadal telefoonka kula yeeshay Talaadadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amirabdollahian.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Qatar ee QNA, labada diblumaasi waxay dib u eegis ku sameeyeen xiriirka labada dal, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyo kala duwan. Waxay sidoo kale ka wada hadleen "isbeddellada gobolka ee ugu dambeeyay iyo arrimaha khuseeya labada dhinac", Qatar News Agency ayaa werisay.

Horaantii bishan, Amirabdollahian waxa uu booqday caasimadda Qatar ee Dooxa oo uu wada-hadallo heer sare ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibada Qatar iyo sidoo kale Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Waqtigaas, waxay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Vienna, halkaas oo ay ka socdaan wadahadallo lagu soo celinayo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee quwadaha adduunka iyada oo la qaadayo cunaqabateynta Mareykanka iyo dib u dhigista barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Qatar ayaa had iyo jeer isku dayday inay dejiso xiisadda gobolka, waxayna muddo dheer u ololeyn jirtay in lagu soo laabto heshiiskii Nukliyeerka.

Wadahadallada Vienna si loo soo celiyo heshiiska, oo sidoo kale loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), ayaa bilaabmay dabayaaqadii Noofambar. Mareykanka, oo si keligiis ah uga baxay heshiiska 2018-kii xilligii madaxweynihii hore ee Donald Trump, ayaa wada xaajoodyada uga qayb galaya si aan toos ahayn .

Wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa ka dhawaajiyay in Iran ay diyaar u tahay in ay wadahadal toos ah la gasho Washington haddii wadahadaladu ay gaaraan heer sare - inkastoo ay hore u diideen kulamo toos ah oo ay la yeelanayaan saraakiisha Mareykanka.

Booqashada soo socota ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli uu ka curanayo dagaal cusub oo ka socda Yemen. Todobaadyadii la soo dhaafay, fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ayaa dhowr gantaal ku soo riday dhanka Imaaraadka Carabta. Imaaraadku waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaamiyo ee taageeraya dawladda Yemen.

Colaadda ayaa ilaa hadda dishay tobanaan kun, barakicisay malaayiin waxaana ay dhaliyeen waxa Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay dhibaatada bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in arrimahan ay ka mid noqon doonaan kuwa ku saabsan ajandaha shirka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM