Qatar oo ku baaqday in la baaro beegsiga ay Israa’iiliyiintu ku haayaan Dugsiyada & Isbitaallada

Image

DOHA (GO) - Dowladda Qatar ayaa ku baaqday baaritaan caalami ah oo degdeg ah oo lagu sameynaayo beegsiga joogtada ah ee Israa'iil ee dugsiyada iyo isbitaallada, ka dib markii Israa’iil ay duqaysay dugsiga Al-Fakhura ee waqooyiga Marinka Qasa.

Horaantii Sabtidii, dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay Iskuulka Al-Fakhura, oo xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo qaxootiga ee UNRWA.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri:

"Waxaan dalbaneynaa baaritaan caalami ah oo ay hogaaminayaan baarayaal madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka socda si ay u baaraan xaqiiqooyinka la xiriira beegsiga ciidamada Israa’iil ee dugsiyada iyo isbitaallada."

Wasaaraddu waxay sidoo kale cambaaraysay Duqeymaha Israa'iil ee ka dhanka ah Iskuulka Al-Fakhura ee ku yaala xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, kaas oo sababay dhimashada tobaneeyo, kuwaas oo u badan caruur iyo haween,"

"Waa xasuuq naxdin leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin, iyo ku xad-gudub qaawan oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM