Qatar oo ku baaqday in la baaro beegsiga ay Israa’iiliyiintu ku haayaan Dugsiyada & Isbitaallada

Image

DOHA (GO) - Dowladda Qatar ayaa ku baaqday baaritaan caalami ah oo degdeg ah oo lagu sameynaayo beegsiga joogtada ah ee Israa'iil ee dugsiyada iyo isbitaallada, ka dib markii Israa’iil ay duqaysay dugsiga Al-Fakhura ee waqooyiga Marinka Qasa.

Horaantii Sabtidii, dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay duqeyn ay Israa’iil la beegsatay Iskuulka Al-Fakhura, oo xiriir la leh Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo qaxootiga ee UNRWA.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri:

"Waxaan dalbaneynaa baaritaan caalami ah oo ay hogaaminayaan baarayaal madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka socda si ay u baaraan xaqiiqooyinka la xiriira beegsiga ciidamada Israa’iil ee dugsiyada iyo isbitaallada."

Wasaaraddu waxay sidoo kale cambaaraysay Duqeymaha Israa'iil ee ka dhanka ah Iskuulka Al-Fakhura ee ku yaala xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, kaas oo sababay dhimashada tobaneeyo, kuwaas oo u badan caruur iyo haween,"

"Waa xasuuq naxdin leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin, iyo ku xad-gudub qaawan oo ka dhan ah mabaadi'da sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada."

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM