12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda
Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee FZ1073 ayaa ka warramay halgankii uu u galay inuu dib ugu laabto qolka duuliyeyaasha, xilli uu ku dhaawacmay weerar uu ku eedeeyay ku-xigeenkiisa. Diyaaraddu waxay ku jirtay duulimaadkii Dubai uga baxdey Tel Aviv maalintii Arbacada.
Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya, Kabtan Smit Machchhar ayaa khadka muuqaalka kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Wuxuu sheegay in markii uu dhulka yaallay uu dareemay diyaaradda oo si xooggan hoos ugu sii dhacaysa, isla markaana uu garowsaday in fursaddii ugu dambaysay ee wax lagu qaban lahaa xaalada diyaarada ay timid.
Isagoo duuliyuhu isku dayayay inuu dib u gaaro qolka, rakaab iyo shaqaale ayaa gudaha u galay, weeraryahankiina xakameeyay, dabadeedna gacan ka geystay in diyaaradda dib loo maamulo. Sidaas ayaa looga hortagay inay dhulka ku dhacdo.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaguna ammaanay rakaab Israa’iili ah isagoo ka tilmaamay nin tuubiste ah, kaas oo sida Trump sheegay ka qayb qaatay xakamaynta qofkii weerarka geystay iyo dib u toosinta diyaaradda. Trump wuxuu sheegay in qofka rakaabka ah uusan hore diyaarad u duulin, balse uu gacanta saaray hagaha diyaaradda markii ay xaaladdu aad u xumaatay.
Xogta duulimaadka ee Flightradar24 waxay muujinaysaa in diyaaradda FZ1073 ay Dubai ka kacday 7:05 subaxnimo waqtiga maxalliga ah, kuna duushay joog dhan 34,000 oo fiit. In ka badan laba saacadood kaddib, diyaaradda ayaa si lama filaan ah u bilowday inay joogga lumiso, marna hoos u dhacdo , marna dib u kacdo .
Qiyaastii 12 daqiiqo kaddib markii ay hoos u dhacday, diyaaraddu waxay joogtay ku dhowaad 15,000 oo fiit, markaas ayaana la sheegay inay bilowday inay xasisho. Rakaabkii saarnaa ayaa tan iyo markaas ka warramayay daqiiqadihii argagaxa lahaa ee u dhexeeyay bilowgii hoos-u-dhaca iyo markii diyaaradda dib loo xakameeyay.
GAROWE ONLINE