Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett oo booqday Imaaraadka Carabta

Image
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett oo booqdey Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula kulmi doono dhaxal-sugaha Abu Dhabi. SAWIRKA: ARIEL SCHALIT/SAAXAAFADDA ASSOCIATED

ABU DHABI Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa la kulmi doona dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan Isniinta, waana safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo hoggaamiye Israa’iil ah uu ku tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii ay dalalkaas sameeyeen xiriir diblomaasiyadeed.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu dhaco inta lagu guda jiro wada xaajoodyada u dhexeeya quwadaha adduunka iyo Iran si loo xakameeyo barnaamijkeeda Nukliyeerka ku ballaarinayso. Israa'iil iyo U.A.E. kama aha qayb wada xaajoodyada, laakiin dawladda Mr. Bennett ayaa qeylo dhaan ka soo saartay jihada wadahadalka ku socdaan. Sheikh Mohammed ayaa isku dayay inuu ka hortago saameynta Iran ku leedahay gobolka oo dhan.

Mr. Bennett, oo gaaray Axadii dalka Imaraadka ayaa sheegay in uu kala hadli doono dhac Al sugaha iskaashi dhinacyo badan, oo ay ku jirto xoojinta xiriirka dhaqaale.

"Tani waa bilow," ayuu yiri ka hor inta uusan ka raacin diyaaradiisa Israel Mr. Bennett.

U.A.E. iyo Israa'iil waxay bilaabeen inay caadiyeeyaan xiriirkooda sannadkii hore ka dib ku dhawaad ​​50 sano oo aysan lahayn wax xiriir diblomaasiyadeed.

Talaabadaan waxay kicisay dhaqdhaqaaq dublamaasiyadeed oo badan oo ay ku daydeen dalal kale oo Carbeed, oo ay ku jiraan Baxrayn, Suudaan iyo Marooko, kuwaas oo xidhiidh rasmi ah la bilaabay Israa’iil. Heshiiskaan ayaa loo yaqaan hehsiiskii Abraham.

Raiisel wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu, oo saxiixay heshiisyada, ayay aheyd inuu booqasho ku tago Abu Dhabi sanadkii hore, balse dib u dhaca ku yimid booqashada Netanyahu ayaa waxaa sababey dalka Jordan oo diidey ogolaanshaho ah in duulimaad ku maro hawada dalkaas.

Israa'iil ayaa ku boorisay Mareykanka inuu mawqif adag ka qaato Iran, waxayna sheegtay inay xaq u leedahay inay xoog ku weerarto Iran. Benny Gantz, wasiirka difaaca Israel, ayaa usbuucii hore ku sugnaa Washington halka soo uu wada hadalo kula yeeshay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken.

Bishii hore, waxaa jirey weeraro qarsoodi ah ee u dhexeeya maraakiibta Iran iyo Israel halka Israel, U.A.E iyo US ay bilaabeen  dhoolatus wadajir ah Badda Cas si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada badda ee Iran.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM