Ra'iisul Wasaaraha Pakistan oo markii saddexaad laga helay Covid-19

Image
Shehbaz Sharif ayaa horey waxaa uu ugu dhacay fayruskan bilihii Janaayo iyo Juun ee sanadkii 2020.

ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa laga helay cudurka 'Coronavirus', sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu warbaahinta la wadaagtay wasiirka warfaafinta waddankaas.

Marrium Aurangzeb ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ra’iisul wasaaruhu uu dareemayay caafimaad darro labadii maalmood ee la soo dhaafay lagana helay cudurka kadib markii laga baarey.

Aurangzeb oo tibaaxdey in xaalada wasiirka koowaad ay dagan tahay ayaa waxay ka codsatay shacabka iyo shaqaalaha xisbiga inay ugu duceeyaan inuu caafimaad deg-deg ah helo.

Tani waa markii seddexaad ee ra'iisul wasaaraha la baarayo lagana helo fayraska. Waxaa horey looga helay fayruska COVID-19 bishii Janaayo, iyo bishii Juun ee sanadkii 2020.

Shariif oo xafiiska yimid markii xilka laga qaadey Imran Khan ayaa dalka dib ugu soo laabtay Isniintii kadib booqasho qaas ah oo uu ku tagay London oo qaadatay shan maalmood.

Waxa uu todobaadkii hore gaaray caasimadda Ingiriiska ka dib markii uu ka qayb galay shirkii COP27 ee ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar.

Khan ayaa dhowaan wuxuu ku eedeeyay Shariif in uu mas'uul ka yahay isku-day la doonayay in lagu khaarijiyo ka gadaal markii lugta laga dhaawacay isaga oo banaanbax weyn kula hadlaya jamaahiirtiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM