Ra'iisul Wasaaraha Shiinaha oo codasay in laga hortago dagaal qabow oo cusub

Image

BEIJING, SHIINAHA - Ra'iisul wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa sheegay -maanta oo Arbaco ah- mar uu la kulmay madaxda Japan iyo Kuuriyada Koonfureed, in quwadaha waaweyn ay waajib ku tahay inay kasoo horjeestaan fikradda iska horimaadka iyo inay ka hortagaan dagaal qabow oo cusub.

"Waxaa laga yaabaa in iska horimaadka uu ka dhasho kala duwanaansho u dhexeeya wadamada, sababo la xiriira isfaham la'aan, danaha iska soo horjeeda ama faragelinta shisheeye," ayuu ku nuuxnuuxsaday Ra'iisul wasaaraha intii lagu jiray shirkii ASEAN+3.

"Si khilaafaadkaas loo xakameeyo, waxaa muhiim ah xilligan in la iska ilaaliyo in dhinac lala safto iyo in laga hortago dagaal qabow oo cusub.” Ayuu raaciyay sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo madaxda gobolka iyo mas'uuliyiin sarsare oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris, ay kulmeen si ay uga wadahadlaan arrimo badan oo hareeyay kulamadii Ururka Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) ee toddobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM