Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Japan oo caan ku ahaa raalligelintii Dagaalkii 2aad ee Adduunka oo geeriyooday
Tokyo – Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan, Tomiichi Murayama, oo si weyn loogu xasuusto raalligelin uu ka bixiyay dambiyadii dagaalka ee Japan ka geysatay Aasiya intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa geeriyooday Jimcihii isagoo da'diisu tahay 101 sano, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Murayama ayaa si rasmi ah u sheegay raalligelintaas sannadkii 1995, markaas oo la xusayay 50 guuradii kasoo wareegtay is-dhiibiddii Japan. Wuxuu muujiyay "xanuun qoto dheer iyo ka xumeyn dhab ah" oo ku saabsan xadgudubyadii ay ciidamada Japan ka geysteen Aasiya.
Bayaankaas ayaa noqday tiir-dhexaad iyo saldhig loogu noqdo raalligelinadii xigay ee dowladda Japan ka bixisay dambiyadii dagaal, wuxuuna door weyn ku yeeshay diblomaasiyadda gobolka.
“Tomiichi Murayama, aabbaha siyaasadda Japan, wuxuu maanta ku geeriyooday isbitaalka magaalada Oita saacaddu markay ahayd 11:28 subaxnimo, isagoo 101 jir ah,” ayey baraha bulshada ku sheegtay Mizuho Fukushima, madaxa Xisbiga Dimoqraadiga Bulshada oo ah xisbiga beddelay Xisbiga Hantiwadaagga ee Murayama.
Hiroyuki Takano, xoghayaha guud ee xisbigaas ee gobolka Oita — halkii uu kasoo jeeday Murayama — ayaa u sheegay AFP in Murayama uu u geeriyooday sababo la xiriira da’da oo kaliya.
Bayaankii taariikhiga ahaa ee uu jeediyay Murayama bishii Agoosto 1995, wuxuu ku yiri: “Japan, iyada oo adeegsanaysa gumeysi iyo gardarro, waxay u geysatay waxyeello aad u weyn iyo dhibaatooyin dadka dalal badan, gaar ahaan dalalka Aasiya.”
Wuxuu intaas ku daray: “Si aan khaladkan uusan mar kale u dhicin mustaqbalka, waxaan si xushmad iyo tixgelin leh u aqbalayaa xaqiiqooyinkan taariikheed ee aan la dafiri karin, waxaanan mar kale halkan ka muujinayaa xanuunkeyga qotada dheer iyo raalligelinteyda qalbiga ah.”
Erayada “xanuun qoto dheer” iyo “raalligelin qalbi leh” ayaa laga dhaxlay Murayama, waxaana isticmaalay ra’iisul wasaarayaashii xigay ee Japan xilli la xusayay 60- iyo 70-guuradii dhammaadka dagaalka.
Murayama, oo sidoo kale caan ku ahaa sunniyihiisa waaweyn, ayaa xafiiska hayay intii u dhexeysay 1994 ilaa 1996. Waqtigiisa xil haynta waxaa dhacay dhulgariir xooggan oo ka dhacay galbeedka Japan sannadkii 1995 iyo weerar sun ah oo lagu qaaday dhulka hoostiisa ee Tokyo, kaas oo dilay in ka badan toban qof, isla markaana dhaawacay in ka badan 5,800 oo kale.
Sannadkii 1944, intii uu jaamacadda ku jiray, Murayama waxaa la askaray si uu ugu biiro ciidamada militariga Japan. Wuxuu wareysi uu bixiyay sannadkii 2015 ku sheegay in ciidamadu ay ahaayeen “meel cabsi badan oo aanan la ogoleyn wax caabbin ah ama muran.”
Wuxuu sidoo kale xasuustay xilliyadii adag ee dagaalku gabogabada ku dhowaa, isagoo yiri: “Raashinba wuu yaraa, hub badanna ma haynin. Waxaa naloo dhiibay hub ka samaysan bamboo. Waxaan is weydiiyay: dagaal miyaa lagu gali karaa xaaladdan?”
Geerida Murayama ayaa soo afjareysa nolosha mid ka mid ah siyaasiyaashii ugu saameynta badnaa ee Japan, gaar ahaan xagga dib u heshiisiinta iyo aqoonsiga dambiyadii taariikhiga ahaa.
GAROWE ONLINE