Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran
BERLIN — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Johann Wadephul, ayaa sheegay in Jarmalka, Faransiiska iyo Britain ay diyaar u yihiin inay si degdeg ah wadahadal ula furaan Iran si loo yareeyo xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe ee u dhaxeysa Israel iyo Iran.
Wadephul, oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe, ayaa sheegay in uu isku dayayo inuu kaalin ka qaato dejinta colaadda ka dhex taagan Israel iyo Iran, isagoo xusay in Iran ay hore u weyday fursado badan oo wadahadal wax ku ool ah lagu gaari lahaa.
“Waxaan rajeynayaa in fursaddaasi weli furnaan karto,” ayuu Wadephul u sheegay telefishinka dadweynaha ee Jarmalka (ARD) habeenkii Sabtida. “Jarmalka, oo ay weheliyaan Faransiiska iyo Britain, waxay diyaar u yihiin inay isla markiiba la fadhiistaan Iran si ay uga wada hadlaan barnaamijkeeda nukliyeerka. Waxaan rajeynayaa in Iran aqbasho dalabka.”
“Arrintan waxay sidoo kale tahay shardi muhiim ah oo lagu gaari karo nabadgelyo waarta oo ku saabsan colaaddan — taasoo micnaheedu yahay in Iran aysan halis u noqon gobolka, Israel iyo guud ahaan Yurub.”
Wadephul, oo Axaddii ku sugnaa dalka Cumaan, ayaa sheegay in xalka lagu soo afjari karo colaadda uu imaan doono keliya marka cadaadis lagu saaro labada dhinac — Iran iyo Israel — si siman oo wadajir ah.
“Waxaa jirta filasho guud oo ah in toddobaadka soo socda la sameeyo isku day dhab ah oo lagu joojinayo wareegga rabshadaha,” ayuu yiri.
Markii la weydiiyay inuu u arko in dowladda Iran ay dhici karto, Wadephul wuxuu sheegay inuusan rumeysaneyn in Israa’iil ay damacsan tahay inay dumiso maamulka Tehran.
Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay Israa’iil inay oggolaato in gargaar si aan xadidneyn loo gaarsiiyo dadka deegaankaas.
“Gaajada, dhimashada iyo silica dadka Gaza ku nool waa in la joojiyaa,” ayuu yiri Wadephul, isagoo intaa ku daray in kooxda Xamaas ay mas'uul ka tahay dagaalka, islamarkaana ay tahay in ay si degdeg ah u sii daayaan dadka ay hayaan tan iyo weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil bishii Oktoobar 2023.
GAROWE ONLINE