Russia-Ukraine: Sareynta sharciga v sareynta xukunka qoriga

Image
Falanqeyn adag ayaa lagu sameeyay duulaanka "gardarada ah" ee Moscow ku qaadey Kyiv.

BERLIN, Germany - Madaxweynaha Guddiga Yurub ayaa falanqeyn kulul ka bixiyay duulaanka Ruushka ku qaadey dalka deriska la ah Ukraine, iyadda oo ku tilmaamtay inuu yahay dagaal u dhaxeeya "sareynta sharciga iyo saraynta qoriga".

Ursula von der Leyen ayaa uga digtay Midowga Yurub in aysan marnaba aqbali doonin aragtida ah in Ukraine aysan xaq u lahayn inay ku biirto kuna cambaareysay madaxweyne Putin "gardarrada qaawan" ee ka dhanka ah waddankaas.

Der Leyen ayaa carabka ku dhufatay in haddii Moscow ay raadineysay inay kala qaybiso beesha caalamka, ay gaartay "caksigeeda saxda ah" iyadoo soo xiganaysa isku-xirnaanta ururka iyo xulafaddiisa.

"Midowga Yurub wuxuu uga falceliyay si ka sareysa xawaaraha iftiinka si uu u gaarsiiyo xirmada cunaqabateynta ugu weyn ee taariikhda midowga taasoo saameyn weyn ku yeelan doonta dhaqaalaha Ruushka," ayay raacisay.

Von der Leyen ayaa si lamid ah waxay ereyo adag u lahaa maalqabeenada Ruushka ee taabacsan Putin: "Ha khaldamina waxaanu xayiri doonaa hantidooda kale sidoo kale, ha ahaato doonyaha, ama baabuurta quruxda badan".

Waxay sidoo kale samaysay farqi u dhexeeya Kremlin-ka iyo dadka Ruushka. "Waxaa jira Ruushka kale, marka laga reebo taangiyada Putin, waxaanan u fidineynaa gacan saaxiibtinimada Ruushkan kale," ayay tiri.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa rumeysan in tirro ka badan 400 oo gantaal oo uu Ruushku u adeegsadey duullaankii Ukraine saaka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga.

"Ukrainiyiintu wali waxay haystaan ​​habab difaaca gantaalaha hawada kuwaas oo wali awoood u leh in ay ka hortagaan gantaaladda mustaqbalka Mosocow soo ganni karto," ayuu ku daray.

Sarkaalku oo magaciisa ka gaabsadey ayaa shaaca ka dhigay in inkasta oo Ruushku aanu weli gaarin isku filnaanshiyo dhanka maamulka hawadda ah, "haddana waxaa jira kale meelo kale oo ay ku gacan-sareeyaan".

Geesta kale, wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska Bruno Le Maire ayaa Talaadadii u sheegay CNN in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin "uu si toos ah iyo shakhsi ahaan mas'uul uga noqon doono dhibaatooyinka shacabkiisa."

Le Maire ayaa sidoo kale wuxuu u sheegay Amanpour in cunaqabateynta reer Galbeed ay wax ku ool u noqotay in si weyn ay u waxyeeleyso dhaqaalaha Ruushka ayna fariin u dirtay Kremlin-ka.

Horaantii Talaadadii, Le Maire wuxuu shaaciyey in ku dhawaad ​​$1 tiriliyan oo hantida Ruushka ah lagu xayiray cunaqabateynta reer galbeedka iyadoo Midowga Yurub iyo xulafadiisa ay bilaabeen dagaal dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo ka dhan ah Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM