Ruushka iyo Ukraine oo u balamay wadahadalo fool ka fool ah

Image
Jahwareer ayaa ka taagan goobta uu ka dhacayo shirkan sida weyn isha loogu hayo.

KYIV, Ukraine - Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Kyiv uu ogolaaday inuu u diro wafdi wadahadal ah "shuruud la'aan" kula yeesha saraakiisha Ruushka ee soohdinta Ukraine iyo Belarus.

"Waxaan ku heshiinnay in wafdiga Ukraine ay kula kulmaan wafdiga Ruushka shuruud la'aan xudduudda Ukraine iyo Belarus, oo u dhow webiga Pripyat," Zelenskyy ayaa ku yiri hadal uu soo saaray ka dib markii uu telefoon kula hadlay Lukashenko.

Ma uusan shaacin waqtiga saxda ah ee kulanka, laakiin wuxuu yiri Lukashenko, oo ah xulafada Putin: "Wuxuu qaaday mas'uuliyadda hubinta in dhammaan diyaaradaha, helikabtarrada iyo gantaallada ku sugan dhulka Belarusiyaanka ay sii joogaan dhulka inta lagu jiro safarka wafdiga Ukraine iyo soo noqoshada".

Dorsa Jabbari oo ah wariye ka tirsan Aljazeera ka tirsan, kana soo warameysa Moscow, ayaa sheegtay in uu jiro “waxyar jahawareer ah” oo ku saabsan halka uu ka dhici doono wadahadalada Ukraine iyo Ruushka.

"Ukreeniyaanku waxay leeyihiin wadahadalladan waxaa lagu qaban doonaa meel u dhow xudduudda Ukraine iyo Belarus, laakiin sida laga soo xigtay Ruushku, waxay rumaysan yihiin, weli, in wadahadalku ka dhici doono koonfurta bari ee Gomel ee Belarus," ayay tidhi.

Jabbari oo kamid ah koox saxafiyiin ah oo colaadan soo tabineysa yaa ku dartey: "Waxay u muuqataa in uu jiro jahawareer ku saabsan halka ay noqon doonto goobta lagu qabanayo wadahadalladan".

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa tibaaxdey in Ukraine aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo dhul ah ka dib markii ay ogolaatay wadahadal ay la gasho Ruushka.

"Waxaan u tagaynaa wadahadallada si aan u dhageysanno waxa Ruushku doonayo inuu yiraahdo, waxaan ku soconaa iyada oo aan wax heshiis hordhac ah oo ku saabsan waxa natiijada wadahadalladani noqon karaan," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray: Waxaan halkaas u tegaynaa inaan dhageysanno oo aan sheegno waxa aan ka qabno dagaalkan iyo ficillada Ruushka, "Kuleba ayaa ku yiri cinwaan muuqaal ah oo toos ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM