Ruushka oo beeniyay in Putin uu ku lug lahaa dilka taliyihii Wagner

Image
Aaska hogaamiyeyaashii Wagner

MOSCOW, Ruushka - Ruushka ayaa diiday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo shilkii diyaaradeed ee ku geeryooday hogaamiyaha hoggaamiyaha kooxda calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin.

Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa yiri:

"Ma jirto meel looga hadlo in wadamo shisheeye ay ka qeybgalaan baaritaanka” isagoo ku baaqay in la sugo natiijada ka soo baxda baaritaanka Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Hay’adda Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Brazil in Ruushku ku wargeliyay in aysan baari doonin wakhti xaadirkan burburkii ku yimid diyaaradda ee ay Brazil laga soo saaray.

Peskov wuxuu sheegay in ay iska caddahay in xisaabaadka kala duwan la tixgeliyo, oo ay ku jiraan in cid kale ay ku lug laheyd shilka. Waana qoraalkii ugu horreeyay ee Ruushka oo muujinaya suurtagalnimada dilka Prigozhin.

Balse Madaxtooyada ayaa beenisay in ay door ku lahayd shilka diyaaradeed, Peskov ayaa ku nuuxnuuxsaday hadalka ah in Putin aanu wax lug ah ku lahayn dhacdada, isaga oo leh, “Aan sugno natiijada”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM