Ruushka oo bilaabaya "qorshe uu ku ciqaabayo" maxkamadda ICC

Image
Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweyne Vladimir Putin.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa hindisaya sharci mamnuucaya dhaq-dhaqaaqyada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee dalkaas, sidda uu iclaamiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka waddankaas ee loo yaqaano Duma State.

"Waa lagama maarmaan in la horumariyo wax ka beddelka lagu mamnuucayo dhaqdhaqaaq kasta oo ICC ee dhulkeenna, iyo sidoo kale ciqaabta wixii kaalmo ama taageero ah ee ICC," ayuu yiri Vyacheslav Volodin, afhayeenka Aaqalka Hoose ee baarlamaanka Ruushka.

Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dhawaan soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweyne Vladimir Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay dalka Ukraine.

Iyadoo Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka ay soo dhaweeyeen tallaabadan, Ruushka ayaa diiday go'aanka, isagoo sheegay inaysan aqoonsanayn awoodda maxkamadda ICC oo ay u aragto xukunkeeda "mid aan waxba ka jirin."

Si uu u taageero soo jeedintiisa, Volodin waxa uu soo xigtay sharci lagu ansixiyay Maraykanka 2002, kaas oo xeerinaya in muwaadin Maraykan ah ama xulafadooda aan lagu xiri karin ama lagu hayn karin waaranka ICC.

Volodin waxa uu xusay in sharcigu xitaa u fasaxayo Maraykanka in uu bilaabo hawlgal millatari oo lagu badbaadinayo qof kasta oo ka tirsan millatariga Maraykanka, sarkaal, ama siyaasi kasta oo ay qabato ICC.

Siyaasigan aadka u taabacsan Putin ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay "heshiisyo laba geesood ah oo lala galo wadamada saaxiibada ah si loo diido iskaashiga iyo caawinta ICC".

"Taliyaha ugu sarreeya Ruushka waa inuu sidoo kale xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo muwaadiniintayada go'aamada ay gaaraan hay'adaha caalamiga ah ee ka hor imaanaya xeerarka dastuuriga ah ee Ruushka," ayuu kusoo xiray hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM