Ruushka oo ciidamo badan ku daabulay duleedka Kyiv

Image

KYIV, Ukraine - Kolonyo militari oo Ruushku leeyahay oo ku sugnaa meel ka baxsan magaalada Ivankiv ee dalka Ukrain, ayaa Axaddii lagu daabulay duleedka Kyiv, sidda ay muujinayaan sawirro dayax-gacmeed.

Axadii, kolonyada ayaa qiyaastii 40 mayl waqooyi-galbeed kaga beegnaa caasimadda Ukraine, sida ay muujinayaan sawirro ay soo bandhigtey shirkadda Maxar Technologies.

Maxar ayaa xustey in qiyaastii 17 mayl oo waddo ah ay go'doomiyeen kolonyada, kuwaasoo ka kooban baabuurta gaashaaman, taangiyo, madaafiicda la jiido iyo gaadiid kale oo saadka ah.

Shirkaddan gaarka loo leeyahay ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa tibaaxdey in kolanyadani ay joogeen wadada weyn ee T-1011 ee uu ku yaalo saldhiga ciidamada cirka ee Antonov abaare 11:11 subaxnimo ee xiliga maxaliga ah.

Antonov wuxuu qiyaastii 17 mayl u jiraa bartamaha caasimadda Yukreeniyaan. Saldhigga ciidamada cirka ee Antonov ayaa ahaa goobta uu dagaal xooggan ka dhacay maalintii Khamiista.

Sidoo kale, waa goobta lagu hayo diyaaradda ugu weyn adduunka - Antonov AN-225 Mriya. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay burburiyeen diyaaradaasi. Ma jiraan warar si madax-banaan u xaqiijiyey.

Talaabada uu Ruushka ciidamadda badan ku geeyay duleedka magaala madaxda Ukraine waxay imaanaysaa xilli wareega koowaad ee wadahadalada labada dal uu ka dhacay Balaruus wallow natiijo rasmi ah lagu gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM

Bahrain oo jinsiyadda kala noqotay 69 qof oo lagu eedeeyay taageerada weerarrada Iran

Tehran waxay ku eedeysay dalalka la beegsaday inay u oggolaadeen Mareykanka inuu weerarradiisa ka fuliyo dhulkooda.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 05:26AM