Ruushka oo ciidamo badan ku daabulay duleedka Kyiv

Image

KYIV, Ukraine - Kolonyo militari oo Ruushku leeyahay oo ku sugnaa meel ka baxsan magaalada Ivankiv ee dalka Ukrain, ayaa Axaddii lagu daabulay duleedka Kyiv, sidda ay muujinayaan sawirro dayax-gacmeed.

Axadii, kolonyada ayaa qiyaastii 40 mayl waqooyi-galbeed kaga beegnaa caasimadda Ukraine, sida ay muujinayaan sawirro ay soo bandhigtey shirkadda Maxar Technologies.

Maxar ayaa xustey in qiyaastii 17 mayl oo waddo ah ay go'doomiyeen kolonyada, kuwaasoo ka kooban baabuurta gaashaaman, taangiyo, madaafiicda la jiido iyo gaadiid kale oo saadka ah.

Shirkaddan gaarka loo leeyahay ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa tibaaxdey in kolanyadani ay joogeen wadada weyn ee T-1011 ee uu ku yaalo saldhiga ciidamada cirka ee Antonov abaare 11:11 subaxnimo ee xiliga maxaliga ah.

Antonov wuxuu qiyaastii 17 mayl u jiraa bartamaha caasimadda Yukreeniyaan. Saldhigga ciidamada cirka ee Antonov ayaa ahaa goobta uu dagaal xooggan ka dhacay maalintii Khamiista.

Sidoo kale, waa goobta lagu hayo diyaaradda ugu weyn adduunka - Antonov AN-225 Mriya. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay burburiyeen diyaaradaasi. Ma jiraan warar si madax-banaan u xaqiijiyey.

Talaabada uu Ruushka ciidamadda badan ku geeyay duleedka magaala madaxda Ukraine waxay imaanaysaa xilli wareega koowaad ee wadahadalada labada dal uu ka dhacay Balaruus wallow natiijo rasmi ah lagu gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM