Ruushka oo duulaanka Ukraine "uga geeriyootey 20-kun askari ah"

Image
Mareykanka oo tiraddan shaaciyey ayaa ka gaabsadey waxyeeladda soo gaartey Ukraine.

WASHINGTON, USA - Ruushka waxaa soo gaaray khasaaro 100,000 dhaawaca askar ah iyo dhimashada 20,000 kale tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka Donetsk ee Ukraine bishii Diseembar, sida lagu sheegay qiyaas uu sameeyay Aqalka Cad.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa Isniintii sheegay in tiradaasi ay salka ku hayso xog sirdoon cusub oo Maraykanka oo dhawaan la shaaciyey. Ma uusan faah faahin sida ay sirdoonka u soo saaraan lambaradan.

Kirby waxa uu intaa ku daray in kala bar dadka la dilay ay ahaayeen askar ay qorteen kooxda gaarka ah ee Wagner Group ee calooshood u shaqeystayaasha ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay kasoo kaxeysteen xabsiyada Ruushka.

Dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhacay gobolka bari ayaa ahaa agagaarka magaalada Bakhmut, halkaasoo Wagner iyo ciidamada kale ay guri guri kula dagaalamayaan ciidamada Ukraine.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Aqalka Cad uusan bixinaynin qiyaasaha khasaaraha Ukraine sababtoo ah "iyagu waa dhibbanayaasha halkan. Ruushku waa midka gardaradda wadda."

Madaxa ciidamada dhulka ee Ukraine, Oleksandr Syrskyi, ayaa shaaca ka dhigay in Ruushku uu sii waddo "dadaalkiisa ugu badan" ee uu ku doonayo inuu ku qabsado Bakhmut, balse uu ilaa hadda ku guuldareystay.

“Deegaano magaalada ka mid ah ayaa cadowga ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen cutubyadeenna, waxayna ka tageen fariisimo,” ayuu yiri, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta gudaha.

Difaaca cirka ee Ukraine ayaa burburiyay 15 ka mid ah 18 gantaal oo uu Ruushku riday, balse weeraro gantaallo ah oo lagu qaaday bariga magaalada Pavlohrad ayaa dilay laba qof, 40 kalena waa lagu dhaawacay, sidda uu Isniintii sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM