Ruushka oo eryay dublamaasiyiin u dhashay dalka Holland

Image
Tallaabadan aargoosiga ah ayaa timid ka dib markii Holland ay ceyrisay bishii hore 17 qof oo Ruush ah.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa Talaadadii sheegay inay eryi doonaan 15 dublamaasi oo u dhashay wadanka Holland, iyagoo sheegay in ay haystaan laba toddobaad oo ay kaga baxaan dalka.

Tallaabadan aargoosiga ah ayaa timid ka dib markii Holland ay ceyrisay bishii hore 17 qof oo Ruush ah, kuwaas oo saraakiisha Holland ay sheegeen inay ahaayeen saraakiil sirdoon oo isu ekeysiiyay diblomaasiyiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holland, Wopke Hoekstra oo ka jawaabaya hadalka kasoo yeeray Ruushka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Waxay ahayd mid la filayey in Ruushku uu qaado tallaabooyin ka hortag ah. Si kastaba ha ahaatee, tani waa wax laga xumaado."

Ergooyinka ayaa ka bixi doona safaaradda Holland ee Moscow iyo qunsuliyadda guud ee St. Petersburg. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay sidoo kale eryi doonto afar Austrian ah iyo 12 Bilgim ah.

Tan iyo duulaankii Ruushka ee Ukraine 24-Febraayo ilaa 300 diblumaasiyiin Ruush ah ayaa ku qasbanaaday inay ka baxaan dalal kala duwan oo caalamka ah.

Slovakia, Estonia, Latvia, Lithuania, Montenegro, Poland iyo Mareykanka ayaa ceyriyay ergooyin Ruush ah, iyagoo taageero u muujinaya dalka Ukraine.

Ruushku waxa uu qaaday tilaabooyin kan la mid ah oo ka dhan ah ergooyin ka kala socda Czech Republic, Bulgaria iyo Midowga Yurub. Moscow waxay si adag u difaacaysaa duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM