Ruushka oo hub la mamnuucay u adeegsaday dagaalka Ukraine

Image
Ciidanka Ukraine ayaa Jimcihii ku eedeeyay Ruushka in aanu awoodin in uu "ixtiraamo xitaa bayaankooda".

MOSCOW, Russia – Ciidamada Ukraine ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay fuliyeen weeraro ay u adeegsadeen rasaasta fosfooraska meel u dhaw jasiiradda Maska, maalin uun ka dib markii Moscow ay ciidamadeeda kala baxday dhulalka dhagaxa ah ee badda madow.

Laba nooc oo ah diyaaradaha dagaalka ee Ruushka Su-30 oo tuuraya bambooyinka fosfooraska ayaa laga duuliyay jasiiradda Crimean ee Ruushku maamulo, taliyaha guud ee ciidamada Ukraine, Valeriy Zaluzhnyi, ayaa ku sheegay Telegram Jimcihii.

"Diyaaradaha ciidamada cirka ee Ruushka Su-30 ayaa laba jeer weerar bambaanooyin fosfoor ah ku qaaday jasiiradda Zmiinyi," ayay ciidamada Ukraine ku sheegeen hadal ay soo saareen, iyagoo magac kale u adeegsaday Jasiiradda Snake.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku tilmaantay ka bixitaankeeda jasiiradda Khamiista inay tahay "tilmaan niyad wanaag" oo loola jeedo in lagu muujiyo in Moscow aysan faragelin doonin dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu abaabulayo dhoofinta haruurka ee laga dhoofiyo dekedaha Ukraine ee ku yaal Badda Madow.

Ciidanka Ukraine ayaa Jimcihii ku eedeeyay Ruushka in aanu awoodin in uu "ixtiraamo xitaa bayaankooda".

Muuqaalo ay baahisay Yukreeniyaanka ayaa muujinayay diyaarad ugu yaraan laba jeer ku soo dhacday jasiiradda, iyo wax u muuqday xariijimo cadcad oo korkeeda ka soo kacaya.

Hubka fosfooraska, waxa uu raad cadaan ah kaga taga cirka, waa hub hurin ah oo isticmaalkiisa dadka rayidka ah lagu mamnuucay heshiis caalami ah laakiin loo ogol yahay bartilmaameedyada militariga.

Ukraine ayaa dhowr jeer ku eedeysay Ruushka inuu adeegsaday bambooyinka fosfooraska tan iyo markii uu soo duulay dabayaaqadii bishii Febraayo, oo ay ku jiraan goobo rayid ah, eedeymaha Moscow waa ay beenisay.

Ukraine ayaa dhowr jeer ku eedeysay Ruushka inuu adeegsaday bambooyinka fosfooraska tan iyo markii uu soo duulay dabayaaqadii bishii Febraayo, oo ay ku jiraan goobo rayid ah, eedeymaha Moscow waa ay beenisay.

Ukrain ayaa sheegtay in ciidamada Ruushka ay ku qasbeen in ay dib uga gurtaan jasiiradaasi kadib markii ay la kulmeen weeraro madaafiic iyo gantaalo ah.

Jasiiradda Snake waxay ku taal xeebta Ukraine, oo 35 kiiloomitir (22 mayl) u jirta delta Danube, waxayna horeba u ahayd aag milatari oo xaddidan oo xudduud u ah Ukraine ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UK oo markii ugu horreysay hirgelisay masaafurinta muhaajiriinta sharci darrada ah

Dowlada Ingiriiska ayaa ku tala jirta in ay sii ballaariso masaafurintan bisha July ee sanadkan.

  • Caalamka

    01-05-2024

  • 08:09AM

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM