Ruushka oo ku hanjabay inuu qabsan doono dal kale

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay inay suurtaagal tahay Ruushka inoo la wareego gobollada Ossetia iyo Abkhazia ee dalka Georgia.

Madaxweynihii hore ee Ruushka, ayaa ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska Ruushka ee “Argumenti e Facti” fiidnimadii Talaadada:

"Fikirka ku biirista Ruushka ayaa weli laga aaminsanyahay Abkhazia iyo Ossetia, aad ayay suurtogal u tahay in la hirgeliyo haddii ay jiraan sababo keenaaya”.

Georgia waxay lumisay gacan ku haynta labada gobol kadib burburkii Midowgii Sofiyeeti. Moscow ayaa aqoonsatay madaxbannaanideeda 2008dii ka dib isku daygii Georgia ee ahaa inay dib u hanato xukunka Ossetia, taasoo keentay in Ruushku uu weeraro.

Inkastoo xiriirka Ruushka iyo Georgia uu soo hagaagayay wixii xilligaas ka dambeeyay, Medvedev waxa uu ku eedeeyay reer galbeedka inay xiisad kicinayaan iyagoo kala hadlay suurtagalnimada ku biiritaanka NATO.

Medvedev waxa uu maqaalkan oo lagu daabacay xuska sanad guurada shan iyo tobnaad ee ka soo wareegatay aqoonsiga madaxbanaanida labada gobol ku yiri “Ma sugi doono ilaa cabsidayada ay ka rumowdo”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM