Ruushka oo lagu eedeeyay argagixisanimo ka dib kulan ay la yeesheen wafdiga Xamaas

Image

MOSCOW - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay eedaymaha loo jeedinayo Moscow "n ay taageerto argagixisada, ka dib xiriirka ay la yeelanayso dhinacyada ku loo lamaya Bariga Dhexe si ay gacan uga geysato xallinta khilaafka Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Safaaradda Ruushka ee Tel Aviv ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay "isku dayga lagu eedeynayo Ruushka inuu yahay wax aan la aqbali karin, dhinaca Ruushka wuxuu cambaareynayaa xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah nooc kasta iyo cid kasta oo ay ka timaaddo.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Mawqifka Ruushku waa mid adag oo aan waxba iska bedeli karin, waxaan si adag u cambaaraynaynaa isticmaalka hababka argagixisada, oo ay ku jiraan dilka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyo afduubka haweenka iyo carruurta.

Eedeymahan ayaa imaanaya kadib markii wafdi ka socda ururka Xamaas ay booqasho ku tageen magaalada Moscow, iyaga oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Mikhail Bogdanov.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM