Ruushka oo lagu eedeeyay argagixisanimo ka dib kulan ay la yeesheen wafdiga Xamaas

Image

MOSCOW - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa cambaareysay eedaymaha loo jeedinayo Moscow "n ay taageerto argagixisada, ka dib xiriirka ay la yeelanayso dhinacyada ku loo lamaya Bariga Dhexe si ay gacan uga geysato xallinta khilaafka Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Safaaradda Ruushka ee Tel Aviv ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay "isku dayga lagu eedeynayo Ruushka inuu yahay wax aan la aqbali karin, dhinaca Ruushka wuxuu cambaareynayaa xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah nooc kasta iyo cid kasta oo ay ka timaaddo.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: "Mawqifka Ruushku waa mid adag oo aan waxba iska bedeli karin, waxaan si adag u cambaaraynaynaa isticmaalka hababka argagixisada, oo ay ku jiraan dilka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyo afduubka haweenka iyo carruurta.

Eedeymahan ayaa imaanaya kadib markii wafdi ka socda ururka Xamaas ay booqasho ku tageen magaalada Moscow, iyaga oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Mikhail Bogdanov.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM