Ruushka oo qaaday weeraro cusub kadib wadahadalladii nabadeed

Image
Kremlin-ka ayaa sheegay in gorgortankii u dhaxeeye labada dhinac in uu san wax ‘horumar’ ka sameyn.

MOSCOW, Russia - Barasaabka gobolka Chernihiv ee dalka Ukraine, Viacheslav Chaus ayaa sheegay in aysan jirin wax iska badalay weerarada Ruushka, inkastoo uu ballanqaaday in uu dhimi doono dhaq dhaqaaqyada ciidan ee halkaasi ka socda.

Barasaabka ayaa BBC-da u sheegay in uusan rumaysnayn ballan qaadka Ruushka. "Waxaan horay u aragnay in aysan jirin xitaa hal mar oo ciidamadooda milatariga ay ka dhabeeyeen ballanqaadkooda," ayuu raaciyay.

Kremlin-ka ayaa sheegay in gorgortankii u dhaxeeye labada dhinac in uu san wax ‘horumar’ ka sameyn wadahadalladii nabadeed ee qabsoomay Talaadadii.

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa yiri, “waxa wanaagsan ayaa ah in dhinaca Ukraine ugu yaraan ay bilaabeen in ay si gaar ah warqad ugu qoraan waxa ay doonayaan, balse anaga illaa hadda nooma suurtagalin taasi.”

Weerarada Ruushka oo wali socda

Mr Chaus ayaa sheegay in jawiga Chernihiv iyo nawaaxigeeda uu aad u kacsanaa habeenkii oo dhan waxuuna yiri, “waxa ay weerareen Nizhyn iyo Chernihiv waxa ayna burburiyeen qayb ka mid ah kaabayaasha dadka rayidka ah.”

Weeraradii xaley ayaa la sheegay in aysan wax dhibaato kasoo gaarin ciidanka milatariga Ukraine, waxaa ayna madaafiicda ku dhacayeen kaabayaasha dadka shacabka ah.

Magaalada Chernihiv ayaa waxaa colaadda ugu darsamay biyo la’aan iyo koronto la’aan ka jirta halkaas tan iyo intii dagaalka ka socday.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri, "Xaley waxa ay inoo ahayd habeen aad u adag, waxaan xalay oo dhan maqleynay dagaal ka dhacayay duleedka magaalada, balse ma jirin wax duqeymo ah."

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu sii socday illaa subixii, inkastoo aysan u xoog badneyn sidii xalay oo kale.

Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in ay joojin doonaan hawlgallada agagaarka Chernihiv iyo caasimadda Kyiv, si ay kor u qaadaan kalsoonida labada dal.

Wasiir ku xigeenka difaaca Ruushka Alexander Fomin, ayaa sheegay in wadankiisa ‘si weyn u dhimi doono dhaq-dhaqaaqa militari’ ee goboladaas. In kastoo aysan duqeynin, haddana guuxa diyaaradaha dagaal ayaa  dhowr saacadood ka dib laga maqlay magaalada Kyiv.

Ku xigeenka duqa magaalada Kyiv, Mykola Povoroznyk ayaa sheegay in caasimadda lafteeda aan la duqeynin, wallow rasaas laga maqlayay dagaallo ka socday duleedka magaalada.

Saraakiisha Mareykanka iyo Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ciidamadiisa uu dib ugu soo celinayo meelaha ka baxsan Kyiv taas oo laga yaabo in ay qayb ka tahay dadaalka lagu doonayo in dib looga saaro gobollada bari.

Wafuud ka kala socotay Moscow iyo Kyiv ayaa saddex saacadood oo wadahadal ah ku yeeshay Istanbul Talaadadii. Ujeedada kulankan ayaa ahaa in la adkeeyo ballan-qaadkii Ruushka ee ahaa dhimista dhaq-dhaqaaqa milatari.

Mr Zelensky ayaa sheegay in ififaalada wadahadallada nabada ee bilowga ay yihiin kuwa wanaagsan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yiri, "Waxba kama akhrisan doono ilaa aan arko waxa ay sameeyaan." Hogaamiyeyaasha Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale ku booriyey reer galbeedka in ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM