Ruushka oo saddex habeen xiriir ah duqeeyay caasimada Ukraine

Image
Weeraradan ayaa lagu waramay in loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

LONDON, United Kingdom - Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Kyiv, dhowr dhismayaal ayaa gubtay kadib markii Ruushka uu habeenkii seddexaad bartilmaameedsaday caasimadda dalka Ukraine.

Saraakiisha ayaa sheegay in haraadiga gantaalada soo dhacay uu sababay dabka, iyadoo difaaca cirka ee Ukraine uu beegsaday madfaca soo galayay. Ugu yaraan hal qof ayaa la sheegay in uu dhintay.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa xusay inay soo rideen dhammaan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones ee loo adeegsaday labadii weerar ugu horeeyay

Bartilmaameedyada qaar - oo ay ku jiraan saldhig cirka oo muuqda - ayaa lagu garaacay gobollo kale. Isniintii, mas'uuliyiinta galbeedka Khmelnytskyi ayaa sheegay in shan diyaaradood lagu waxyeeleeyay goob ciidan.

"Waddada ay diyaaraduhu ku ordaan ee halkaas ku taalla ayaa hadda dayactir lagu sameeyay," mas’uuliyiin ayaa intaas ku daray, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo muuqaal laga soo duubay lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa ammaanay difaaca hawada ee Patriot ee uu Maraykanku sameeyay ee la siiyay Ukraine.

"Ruushka waxa uu rabaa in uu raaco dariiqa sharka ilaa dhamaadka, taas oo ah, in laga adkaado, sababtoo ah sharku ma lahaan karo meel kale oo aan ahayn guuldarada. Dunidu waa in ay arkaan in argagixsada ay guuldareysaneyso," ayuu Mr Zelensky ku daray.

Milateriga Ruushka ayaa sheegay in dhammaan bartilmaameedyadii ay damacsanaayeen lagu garaacay weeraradii ugu dambeeyay ee Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine.

Sheegashada labadda dhinac ee dagaalamaya ayaan si madax banaan loo xaqiijin. Ukraine iyo Ruushka ayaa u muuqda kuwa wali aanan kala adkaan isla markaana shacabka ay yihiin dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM