Ruushka oo saddex shardi ku xiray Wadahadalka Ukraine

Image

MOSCOW - Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa diiday fikradda ah in Ruushka oo u fadhiisto wada xaajoodka Ukraine waqtigan xaadirka ah, wuxuuna dhigay 3 shardi si nabad lagu soo gabagabeeyo colaada Ukraine.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa qiimeeyay natiijadii ka soo baxday wada-hadalladii Ukraine ee ka dhacay magaalada Jeddah, isagoo sheegay in dadku ay xaq u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, si la mid ahna dalalka ay xaq u leeyihiin inay helaan madaxbannaani.

Medvedev waxa uu tilmaamay in hindise kasta oo lagu xalinaayo khilaafka Ukriane ay tahay inuu buuxiyo 3aan shuruudood oo waaweyn:

1- Labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo waa inay ka qayb gataan wadahadalada, ma aha sidii ka dhacay shirkii Jeddah oo ka maqnaa Ruushka.

2- In la tixgeliyo taarikhda guud, ma jirin dowlad Ukraine la yiraahda ka hor 1991, waxayna aheyd qayb ka mid ah Boqortooyada Ruushka.

3- In la tixgaliyo waaqica taagan, Ukraine waxay maraysaa marxalad ay kala qeybsantay, halka qayb ka mid ah dhulkeedii ay ku soo noqotay gacanta Ruushka.

Waxa uu sheegay in dhexdhexaadiye kasta oo nabadda ka shaqeeya ay tahay inuu aqoonsado qodobadan cad, si fursad loo siiyo in lagu guuleysto nabada. Hadii aysan dhicinna ay dagaalka sii wadi doonaan.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey: "Haddaba, hadda looma baahna gorgortan, cadawgu waa inuu jilbaha dhulka u dhigaa, isagoo naxariis naga baryaya."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM