Ruushka oo si carro leh uga jawaabay dil loogu hanjabay Vladimir Putin

Image
Moscow ayaa waxay dalbatay in cunaqatabeyn lagu soo rogay mas'uuliyiinta dalkan.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in uu rajaynayo in reer galbeedku ay cunaqabatayn ku soo rogaan mas’uuliyiinta Ukraine ka gadaal markii ay u hanjabeen madaxweyne Vladimir Putin.

Vadim Skibitsky, oo ah ku xigeenka madaxa agaasinka sirdoonka ee Ukraine, ayaa u sheegay wargeyska German Welt, in Putin uu "ku jiro liiska dadka ay Ukraine dooneyso in ay khaarijiso".

Lavrov oo ka jawaabay hadalkaas isla markaana adeegsadey luuqad aad u adag ayaa wuxuu sheegay in lasoo gaarey waqtigii Kiev loo aqoonsan lahaa in ay tahay "dal argagixiso". "

"Waxaan rajeynayaa in cunaqabateynta ka dhanka ah 'mas'uuliyiintan ugu sarreeya' ay raaci doonaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo wareysi siiyay TV-ga Ruushka ee Rossiya 24.

Lavrov waxa uu intaa ku daray in uu rumaysan yahay in "mashruucyada fadhiya Washington iyo London ay bilaabeen in ay la yaaban yihiin sida ay dadkani [masuuliyiinta sare ee Ukraine] ugu filan yihiin".

8-dii Maajo, Kyrylo Budanov, oo ah madaxa Agaasinka Sirdoonka ee Ukraine, ayaa ka hadlay dilka weriyaha Ruushka u dhashay ee Darya Dugina wuxuuna yiri: "Waan dilnay, dilnay, waana ku dilaynaa Raashiyaanka meel kasta oo adduunka ah".

Dugina ayaa ahaa saxafi ka faallooda arrimaha milatariga kaasoo si weyn uga soo dhex-muuqday dagaalka Ukraine iyo Ruushka ee galaaftey nolosha boqolaalka qof ee u badan askar ka kala tirsan labada dal ee colaada soo jireenka ah dhextaalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM