Ruushka oo Soomaaliya u dhoofin doono Qamadiga si bilaash ah

Image

MOSCOW, Ruushka - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay Maanta, intii uu socday shir madaxeed uu madaxda Afrika kula yeeshay magaalada St. Petersburg in Ruushku oo awood u leeyhay in uu Ukraine kala wareego Qamadiga loo dhoofiyo qaaradda Afrika. 

Putin ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in lix waddan oo qaaradda Africa ku yaalla u dhoofiyo qamadiga, muddo afar bil gudaheed. 

Waxa uu xusay in dalalkaasi ay kala yihiin Soomaaliya, Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Central African Republic iyo Eritrea, isagoo sheegay in midkiiba ay heli doonaan 25 ilaa 50 kun oo tan. 

Putin ayaa ku nuuxnuuxsaday in xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka Afrika uu koray, sidoo kale waaxaa kordhay heerka iibka badeecadaha, in kasta oo uu caabuqa COVID-19 iyo cunaqabataynta dhaqaale ee Ruushka saaran uu saameyn ku yeeshy. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale intaa ku daray in ganacsiga beeraha ee ka dhexeeya Ruushka iyo Afrika uu kor u kacay 10 boqolkiiba. 

Waxaa xusid mudan in howlaha shirka labaad ee "Ruushka & Afrika" uu Maanta ka bilaabmay magaalada St. Petersburg, kaas oo loo qorsheeyay inuu socdo laba maalmood. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid weyn oo gacan ka geysan doona xoojinta xiriirka uu Ruushka la leeyahy qaaradda Afrika oo ku sii xoogeysanaysa masraxa caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM