Ruushka oo wariye Ameerikaan ah u xiray eedeymo jaajuusnimo

Image
Saxafi Evan Gershkovich ayaa ka tirsan wargeyska afka dheer ee Wall Street Journal.

MOSCOW, Russia - Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa xiray weriye Mareykan ah oo u shaqeynayay wargeyska Wall Street Journal kaasoo lagu eedeeyay basaasnimo, sidda ay shaacisay hay'adda mukhaabaraadka maamulka Vladimir Putin.

Laanta Amniga Federaalka (FSB) oo badashay KGB, ayaa Khamiista maanta ah sheegtay "in Evan Gershkovich lagu xiray magaalada buuraleyda ah  ee Yekaterinburg isagoo isku dayayay inuu helo macluumaad sir ah".

FSB ayaa shaaca ka dhigtey "in Gershkovich uu ururinayey macluumaadka sirta ah ee ku saabsan hawlaha mid ka mid ah shirkadaha warshadaha militariga Ruushka oo ka kooban sir dawladeed."

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee Ruushka, saxafiga ayaa majaladda uu ka tirsan yahay wuxuu uga waraayey dagaalka Ukraine iyo kooxda Wagner Mercenary Group.

Hay'adda FSB oo macluumaad kooban soo bandhigtey ayaan sheegin goorta la xiray. Gershkovich ayaa muteysan kara 20 sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga jaajuusnimo ah.

Gershkovich, oo gudaha Ruushka uga diiwaan-gashan wariye ajnabi ah, ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay ka waramayey Ruushka iyo Ukraine isagoo xubin ka ahaa xafiiska Wall Street Journal ee Moscow.

Waa wariyihii ugu horeeyay ee ka tirsan warbaahinta Mareykanka oo Ruushka u xiro jaajuusnimo tan iyo dagaalkii qaboobaa. Xarigiisa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay jirto xiisado ba’an oo caalami ah oo ka dhashay dagaalka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM