Ruushka oo xabad joojin uga dhawaaqay gudaha Ukraine

Image
Wargeysyo dhowr ah ayaa sheegaya in ay joojin doonaan shaqadooda gudaha Ruushka

MOSCOW, Russia – Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruusha ayaa labo magaalo oo ku yaalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo in ay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Wararka maanta ugu waawayn Ukraine

Mariupol waa magaalo deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Golaha deegaanka ee Mariupol ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka rayidka ah ay u sii gudbi karaan dhanka magaalada Zaporizhzhia oo ay isticmaali karaan wadooyin basaska ah oo si gaar ah loo habeeyay iyo sidoo kale baabuurtooda.

"Codsi weyn oo ku socda dhammaan darawallada ka baxaya magaalada, si ay uga qayb qaataan daadgureynta dadka rayidka ah inta ugu badan ee suurtagal ah - dadka kaxeeya, buuxi baabuurta intii suurtagal ah," ayaa lagu yiri bayaankan oo la soo dhigay baraha bulshada.

Ku dhawaaqista ayaa lagu sheegay in daadgureynta ay socon doonto dhowr maalmood si loogu ogolaado guud ahaan dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada.

Bayaanka, mas'uuliyiinta magaaladu waxay u sheegeen dadka raacaya baabuurta gaarka loo leeyahay in ay "aad u mamnuucday" inay ka baxaan dariiqyada loo asteeyay in ay maraan dadka magaaladda laga daadguraynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM