Ruushka: Saxafi loo ciqaabay in uu ka hadlay dagaalka Ukraine

Image
Alexander Nevzorov oo ah wariye telefishan ayaa horey wuxuu usoo noqday Xildhibaan.

MOSCOW, Russia - Maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Moscow ayaa Arbacadii siddeed sano oo xarig ah ku xukuntay wariye Ruush ah oo maqane ah, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Saxafiga aaya lagu eedeeyay inuu meel ka dhac ku sameeyay militariga, waana tallaabadii ugu dambeysay ee maamulku uu "si aan naxariis lahayn ula dagaallamo mucaaradka".

Alexander Nevzorov, oo ah saxafi telefishan horayna usoo noqday xildhibaan, ayaa lagu helay dambi ah inuu ka faafiyay macluumaad been abuur ah oo ku saabsan militariga.

Eedan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxaa loo cuksadey sharci la ansixiyay wax yar ka dib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ciidamo u diray Ukraine.

Sharciga ayaa si wax ku ool ah u soo bandhigaya in ganaaxyo iyo xabsiyo gaaraya ilaa 10 sano lagu ridayo qof kasta oo dhaleeceeya ficilka milatari ee Ruushka ee Ukraine.

Nevzorov ayaa lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku daabacay "xog been abuur ah" oo ku saabsan duqeyntii Ruushka ee isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee badda Azov dekedda Mariupol.

Moscow ayaa si adag u beenisay inay ku lug leedahay falkaas. Nevzorov, oo u soo guuray dibadda kadib bilawgii iskahorimaadka Ukraine, ayaan wax faallo ah ka helin xukunka.

Siyaasiga caanka ah ee mucaaradka Ilya Yashin ayaa lagu xukumay 8½ sano oo xarig ah bishii Disembar. Siyaasi kale oo mucaarad ah, Vladimir Kara-Murza, ayaa xabsiga ku jiray isagoo wajahaya eedeymahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM