Ruushka v Ukraine: Weerarada dhanka internet-ka oo kordhay

Image
Labada dhinac ayaa isku eedeynaya website-yo hawada ka maqan maalintii saddexaad oo xiriir ah.

MOSCOW, Russia - Mareegta internet-ka ee Kremlin-ka ayaa lagu beegsadey weerarro dhanka internetka ah, afhayeen u hadlay madaxtooyada Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka dawladda ee TASS Sabtidii.

"Weeraradu waa socdaan," Peskov ayaa u sheegay TASS. "[Mareegaha] inta badan waa lala wareegay," ayay ku dartey. Kooxda Anonymous ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas.

Qaar ka mid ah mareegaha dowladda Ruushka oo ay ku jiraan Kremlin-ka iyo wasaaradda gaashaandhigga ayaa hawada ka maqan maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Jimcihii, isla mareegaha Ruushka ayaa ka soo muuqday khadka tooska ah in muddo ah, laakiin Kremlin-ka ayaa beenisay in ay weerartay Anonymous, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Yukreen ayaa horey waxay Ruushka ugu eedeysay in ay kala wareegtay website-yadda hay'addo dowladeed oo muhiim ah oo uu ku jiro kan Madaxtooyadda balse ay iska caabisay arrintaas. Moscow waxay iska fogeysay eedeyntaas.

Ruushka ayaa todobaadkii hore wuxuu duulaan dhanka cirka, dhulka iyo badda ah uu ku qaadey dalkan ay deriska yihiin isaga oo u cuksanaya in ay ka baxdey heshiisyo ay la gashay iyo in ay xubin ka noqoneyso NATO.

Geesta kale, ciidamada Ukraine iyo kumanaan mutadawiciin ah oo dhowaan la qoray ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta waddooyinka Kyiv ka dib markii ciidamada Ruushka iyo cutubyo qarsoon oo ku labisan dharka rayidka ay isku dayeen inay gudaha u galaan magaalada.

Sabtidii oo ahayd maalintii saddexaad ee dagaalka uu bilaabey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kaasoo  ujeeddadiisu ahayd in la afgambiyo dawladda la doortay ee Ukraine, lana soo afjaro la safanshiyaheeda reer galbeedka, ayaa ciidammada Ukraine waxa ay qaadeen dagaallo ba’an oo dhinac walba ah, iyadoo dhinac kastaaba ay sheegeen iney  khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidmadda Ruushka.

Volodymyr Zelensky, madaxweynaha Ukraine oo Muqaal ku duubey aqalka Madaxtooyada horteeda ayaa ku booriyay dadka reer Ukraine inay dagaalka sii wadaan, wuxuuna beeniyay wararka Ruushka ee sheegaya inuu ciidamadiisa ugu baaqay inay hubka dhigaan.

Madaxda dalkaas saacadihii hore ee Sabtidii, iyadoo duqeymaha cirka  ay ka socdeen dalka oo dhan. "Runtu waa dhinaceena. Kani waa dhulkeenii, dalkeenii, caruurteena, dhamaanteen waan wada difaaceynaa," ayuu cod dheer ku yiri hogaamiye Zelensky.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM