Saacadaha laga soomi doono dalalka Islaamka Ramadaanka 2023

Image
Dalka Comoros ayaa la filayaa in uu noqdo dalka saacadaha ugu gaaban laga soomi doono.

ANKARA, Turkey - Qoraal lagu daabacay Al Jazeera ayaa lagu sheegay in muslimiinta dunidu ay is waydiinayaan sida ay noqon doonaan saacadaha soomka bisha barakaysan ee Ramadaan 2023/1444 iyada oo wadamadu kala duwan yihiin.

Goorma ayay bilaabanaysaa Ramadaan 2023?

Sida ay tilmaamayaan, cilmi baarisyo waxaa loo badinayaa in bisha Ramadaan 2023 ay bilaabato 23, March, 2023 iyada oo noqon doonta bishaanu 29 maalmood isla markaanu ciidu ay ku beegmi doonto 21, April, 2023.

Wadamada Carabta ayaa la filayaa intooda badan in laga soomi doono 15 saac iyo dheeri iyadoo dowladaha qaybtood ay kala duwanaan doonaan saacadaha la soomayo gobalada hal wadan gudihiisa gaar ahaan kuwa dhul ahaan balaaran sida Boqortooyada Sucuudiga iyo Jazaa'ir.

Dalka Comoros ayaa la filayaa in uu noqdo dalka saacadaha ugu gaaban laga soomi doono, isaga oo dadkiisu ay soomayaan 12 saac iyo 37 daqiiqo. Wadamada iyo inta ay kala soomayaan:

Comoros: 12 saac iyo 37 daqiiqo.

Somalia: 13 saac iyo 27 daqiiqo.

Yemen: 14 saac iyo 7 daqiiqo.

Mauritania: 14 saac iyo 15 daqiiqo.

Qatar: 14 saac iyo 15 daqiiqo.

Suuriya: 14 saac iyo bar.

Falastiin: 14 saac iyo bar.

Urdun: 14 saac iyo bar.

Lubnaan: 14 saac iyo bar.

Kuweyt: 14 saac iyo bar.

Cumaan: 14 saac iyo 37 daqiiqo.

Sucuudiga: 14 saac iyo 41 daqiiqo.

Imaaraatka: 14 saac iyo 41 daqiiqo.

Baxrayn: 14 saac iyo 49 daqiiqo.

Ciraaq: 15 saac.

Masar: 15 saac.

Marooko: 15 saac iyo 25 daqiiqo.

Liibiya: 15 saac iyo bar.

Jazaair: 15 saac iyo 45 daqiiqo.

Tunis: 15 saac iyo 45 daqiiqo.

Malaysia: 13 saac.

Singapore: 13 saac iyo bar.

Senegal: 13 saac iyo bar.

Turkey: 13 saac iyo bar.

Indones: 13 saac iyo bar.

India: 15 saac.

Pakistan: 16 saac.

Iran: 16 saac.

Afghanistan: 16 saac iyo bar.

Greenland: 20 saac.

Poland: 18 saac iyo bar.

Russia: 18 saac iyo bar.

Denmark: 18 saac iyo 26 daqiiqo.

UK: 17 saac.

France: 17 saac.

Canada: 16 saac.

Spain : 15 saac iyo bar.

Italy: 15 saac.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM