Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Image
Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

Tehran (GO) - Iibinta kelyaha iyo xubnaha jirka ayaa ku fiday dadka ku nool Iran, kuwaas oo u badan dhalinyaro sababo la xiriira faqriga ku baahay dalka iyo sicir bararka ka jira.

Da'da dhalinyarada ayaa ka mid ah waxyaabaha ay aad u daneeyaan dadka ka ganacsada iibinta xubnaha jirka, waana shay muhiim u ah go'aaminta qiimaha xubnaha, sida laga soo xigtay "Iran International".

Intaa waxaa dheer, dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda iyo kuwa caafimaadkooda jireed uu wanaagsanyahay.

Maamulaha ururka cudurrada kelyaha ee gobolka Kermanshah, Hossein Bigleri, ayaa arrintan ka yiri: "Qiimaha kelyuhu wuxuu u dhexeeyaa ($3,500) iyo ($4,000), laakiin aad ayuu u qaalisan yahay markii la joogo magaalooyinka waaweyn."

Wiil 16-jir ah oo lagu magacaabo "Hamid" ayaa u sheegay "Tjarat News" inuu diyaar u yahay inuu ku iibiyo qaar ka mid ah xubnaha jirkiisa "qiimo jaban" baahi dhaqaale awgeed.

Waxa uu sheegay in uu dhamaystay dhamaan baaritaanadii loo baahnaa, isla markaana helay ogolaanshaha waalidkiisa.

Ururada caafimaadka ayaa ka digay in saboolnimada iyo dhibaatooyinka dhaqaale awgeed, ay kordheen tirada dadka da’da yar ee doonaya inay iibiyaan kelyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM