Sacuudi Carabiya oo dooneysa inay xalliso xiisadda Ukraine iyo Ruushka

Image

(GO) - Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ku sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ay ka qeybgali doonaan shir madaxeedka nabadda ee Ukraine oo ka dhacaya Sacuudiga.

Wargeyska "Wall Street Journal" ayaa Sabtidii sheegay in Sacuudi Carabiya ay martiqaadi doonto wada-hadallo ay ka qeyb qaadanayaan dalalka reer galbeedka, Ukraine iyo qaar ka mid ah ee waddamada soo koraya.

Sarkaal ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in Sacuudi Carabiya ay u badan tahay inay toddobaadkan magaalada Jeddah ku martigeliso shir madaxeed lagu baarayo qaabkii loo bilaabi lahaa wada xaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka & Ukraine.

Warbaahinta "Politico" oo soo xigatay sarkaalkan oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegtay in wadamada ka qeyb galaya shir madaxeedkan ay ka mid yihiin Ukraine, Brazil, India, South Africa iyo wadamo kale, waxaana la filayaa in uu ka soo qeyb galo mas’uul sare oo ka socda maamulka Mareykanka. .

Sarkaalka ayaa sheegay in aan Ruushka lagu casuumin shirkan oo faahfaahino badan laga hayin, mana sheegin xilliga uu dhacayo

Sacuudiga ayaa hormuud ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in xal loogu helo xiisadda Ruushka iyo Ukraine lana soo afjaro dagaalka, kaasoo si xun u saameeyay dalalka Afrika iyo caalamkaba.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM