Sacuudi Carabiya oo furi doonta bakhaarkii ugu horreeyay ee khamriga lagu iibiyo

Image
Talaabadani waxay qayb ka tahay dadaalka dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dalxiiska

Riyadh (GO) - Illo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay isku diyaarinayso inay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyay ee lagu iibiyo khamriga kaas oo si gaar ah u siin doona adeegyadiisa dublamaasiyiinta aan Muslimka ahayn.

Macaamiishu ayaa ah inay aalad dhanka Taleefonka isaga diwaangelinayaan ka dib aaladdaas ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda u gudbinaysa codsiga, halkaas oo la soo fasaxay doono, waana inaysan dhaafin kootada wax iibsiga billaha ah ee loo qoondeeyay.

Talaabadani waxay qayb ka tahay dadaalka dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dalxiiska iyo inuu soo jiito dhaqdhaqaaqyada ganacsi.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshayaasha ballaaran ee loo yaqaan “Aragtida 2030” oo sucuudiga ku dhisayo dhaqaale aan ku tiirsanayn shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM