Sacuudi Carabiya oo furi doonta bakhaarkii ugu horreeyay ee khamriga lagu iibiyo

Image
Talaabadani waxay qayb ka tahay dadaalka dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dalxiiska

Riyadh (GO) - Illo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay isku diyaarinayso inay caasimadda Riyadh ka furto dukaankii ugu horreeyay ee lagu iibiyo khamriga kaas oo si gaar ah u siin doona adeegyadiisa dublamaasiyiinta aan Muslimka ahayn.

Macaamiishu ayaa ah inay aalad dhanka Taleefonka isaga diwaangelinayaan ka dib aaladdaas ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda u gudbinaysa codsiga, halkaas oo la soo fasaxay doono, waana inaysan dhaafin kootada wax iibsiga billaha ah ee loo qoondeeyay.

Talaabadani waxay qayb ka tahay dadaalka dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman uu ku doonayo inuu kor ugu qaado dalxiiska iyo inuu soo jiito dhaqdhaqaaqyada ganacsi.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshayaasha ballaaran ee loo yaqaan “Aragtida 2030” oo sucuudiga ku dhisayo dhaqaale aan ku tiirsanayn shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM