Sacuudiga oo galay heshiis aan horey loo arag

Image
Heshiiskaan oo ah kii ugu waynaa ee abid ay shirkadaasi gasho ayaa dowladda Sucuudiga.

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa la saxiixatay heshiis cusub wadanka Turkiga, sidda laga soo xigtey Wakaaladda Wararka Sacuudiga SPA.

Booqashada madaxweyne Erdogan uu ku tagay maalinkii shalay wadanka Sacuudiga isaga oo ay la socdeen in ka badan 200 ganacsade wadankiisa u dhashay.

Shirkadda samaysa Agabyada difaaca ee Hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ayaa Heshiis cusub la gashay dowladda Sucuudiga, oo drone uga iibinayso.

Heshiiskaan oo ah kii ugu waynaa ee abid ay shirkadaasi gasho ayaa dowladda Sucuudigu ku heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo noocyo kala duwan oo Hub ah.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa ka heshiiyay fulinta qorshayaashaas iyada oo madaxweyne Erdogan uu maanta usii gudbay dalka Qadar halkaasi oo uu ka sii aadi doono Imaaraatka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM