Sacuudi Carabiya oo ku guuleysatay Martigelinta Bandhiga Expo2030

Image
Guusha Sucuudiga ayaa timid ka dib markii ay heleen 119 cod.

RIYADH (GO) - Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku guuleysatay martigelinta bandhigga "Expo 2030", ka dib markii ay si weyn uga sarre martay Talyaaniga iyo Kuuriya Koonfureed doorashadii ka dhacday caasimadda Faransiiska ee Paris.

Guusha Sucuudiga ayaa timid ka dib markii ay heleen 119 cod waxaana codeeyay 180 dal ee xubnaha ka ah xafiiska bandhigga caalamiga ah.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in guushani ay xoojinayso doorka muhiimka ah ee Sacuudi Carabiya ku leedahay Caalamka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa xaqiijiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay hirgelinta qorshaha kaga aadan Expo 2030.

Waxa uu tilmaamay in bandhiga oo u dhici doono qaab aan caadi ahayn, iyadoo diiradda la saarayo taabagelinta yoolalka horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM