Sacuudiga iyo Kuwait oo ka shiray xaalada gobolka iyo caalamka

Image
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad ka dhex-aloolsan tahay Yahuuda iyo Falastiiniyiinta.

RIYADH, Saudi Arabia - Wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sucuudiga, Farxaan bin Feysal Al-Sucuudi, ayaa kala hadlay madaxda dalka Kuwait xaaladaha gobalka bariga dhexe iyo caalamka.

Wakaalada wararka ee boqortooyada Kuwait ayaa sheegtay in Al-Sucuudi uu kula kulmay caasimada Kuweit dhaxal-sugaha Kuwait Mashcal Bin Axmed Jaabir Al-Sabaax iyada oo aan wax faah-faahin ah ku darin.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Kuwait ayaa lagu xusay in wasiirka arimaha dibada Sucuudigu uu kala hadlay dhaxal-sugaha Kuwait iskaashiga labada dal iyo xaaladaha bariga dhexe.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka arimaha dibada Sucuudigu uu kula kulmay xarunta wasaarada wasiirka arimaha dibada Kuwait Saalim Cabdalla Jaabir Al-Sabaax.

Labada wasiir arimo dibadeed ayaa war-saxaafadeed lagu sheegay in ay ka wada hadleen arimaha labada wadan u leh hor-tabinta iyada oo aan faah-faahin laga sii bixin.

Amiir Feysal Bin Farxaan ayaa Sabtidii ku tagay Kuwait booqasho aan horey loo sii shaacin isla markaana aan la ogayn mudada ay qaadanayso. Safarkan ayaa yimid iyadda oo ay xiisado jiraan.

Xiisadaha ayaa ka aloolsan Yahuuda iyo Falastiiniyiinta. Sidoo kale, waxaa taagan caro ka dhalatay Kitaabka Qur'aanka oo lagu gubay Sweden, Holland iyo Denmark kuwaasoo si weyn loo cambaareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM