Sacuudiga iyo Turkiga oo kala saxiixdey sagaal heshiis is-afgarad ah

Image
Tani ayaa timid kadib kulan dhexmaray Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

RIYADH, Sadui Arabia - Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii wada-hadallo rasmi ah ku yeeshay Jeddah, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo laba geesood ah oo khuseeya dhinacyo kala duwan.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday heshiisyo is afgarad (MOUs) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada tamarta; warshadaha difaaca, cilmi-baarista iyo horumarinta; Maalgashiga tooska ah iyo warbaahinta, marka laga reebo in Sacuudi Carabiya ay labo qandaraas la saxiixdeen shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah shirka ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka maalgashiga Sacuudiga Khalid al-Falih iyo wasiirka ganacsiga ee Turkiga Omer Bolat waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday shirkadaha Sacuudiga iyo Turkiga iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Madashu waxa ay ka wada hadashay habab iskaashi iyo siyaabaha loo kordhin karo fursadaha maalgashi ee labada dal, sidda ay sheegtey Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Is-aragan ayaa dhaliyey in lagu dhawaaqo sagaal MOUs oo daboolaya tamarta, hantida ma guurtada ah, dhismaha, waxbarashada, tignoolajiyada dhijitaalka ah, caafimaadka iyo qaybaha warbaahinta, sida ay sheegtay SPA.

Erdogan ayaa gaaray Jeddah ka dib markii dib loogu doortay doorashadii madaxtinimada Turkiga ee bishii May. Booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago wadamada Khaliijka oo ay ku jiraan Qatar iyo Imaaraadka intii u dhaxeysay 17-19 July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM