Sacuudiga iyo Xuuthiyiinta oo wadahadal uga furmay magaalada Riyadh

Image

RIYADH, Saudi - Xuuthiyiinta ayaa kuln kula yeelanaya magaalada Riyadh madaxda Sacuudiga, waxayna ka wadahadali doonaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Yemen.

Tani waxay noqnoeysaa booqashadii ugu horeysay ee Xuuthiyiinta ku tagaan Riyadh tan iyo markii uu bilowday dagaalka Sacuudiga ay ku qaadday kooxda taageersan Iran.

Dhankeeda, Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay goor dambe oo fiidnimadii Khamiista inay martigelinayso wafdi ka socda Xuutiyiinta oo ka wadahadli doona geeddi-socodka nabadda ee Yemen, sagaal sano kaddib markii uu dagaal ka dillaacay waddanka ugu saboolsan Jaziiradda Carabta.

Waxaa xusid mudan in dalka Yemen uu tan iyo bartamihii sanadkii hore ee 2014-ka ka socday dagaal xoog leh oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo dowladda, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal kun oo qof.

Waana xaaladdii ugu xumayd ee bini’aadantinimo ee ka dhacda caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM