Sacuudiga oo cambaareeyay weerarkii masjidka Al-Aqsa

Image
"Waa in fursad la siiyaa dib usoo nooleynta geedi socodka nabada ee bariga dhexe," ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

RIYAD, Saudi Arabia -Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay duullaanka ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen Masjidka Al-Aqsa ee magaalada barakeysan ee Qudus.

Cambaareynta dowladda Sacuudi Carabiya ayaa timid ka dib markii ciidamada Israa’iil gudaha u galeen masjidka Al-Aqsa, isla markaasina ay albaabada isugu dhugteen masjidka saddexaad ee ugu xurmada badan dadka muslimiinta.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Riyad ayaa lagu sheegay waxa ay ugu yeereen weerarka ciidamada gumeysiga in uu yahay mid bareer ah oo lagu wax yeeleynayo meesha uu kaga jiro Masjid Al-Aqsa damiirka dadka muslimiinta.

“Duullaanka ciidamada Israa’iil waa mid xad gudub ku ah qaraarada iyo xiriirada caalami ee quseeya dhulka barakeysan ee magaalada Qudus,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee xukuumada Riyad.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ugu baaqday Beesha Caalamka in ay doorkeeda ka ciyaarto siday ciidamada Israa’iil masuul uga noqon lahaayeen cawaaqib xumada ka dhalata sii socoshada danbiyadda iyo xad gudubyada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee aan difaaci karin dhulkooda iyo goobaha barakeysan.

"Waa in fursad la siiyaa dib usoo nooleynta geedi socodka nabada ee bariga dhexe," ayaa lagu yiri warka Wasaaradda. Maalintii shaley ayay ahayd markii in ka badan 150 qof oo reer Falastiin ah ay ku dhaawacmeen qalalaaso ka dhacay magaalada Qudus ka dib markii ciidamada Israa’iil ay xoog ku galeen barxadda Masjidka Al-Aqsa waxaana xabsiga la dhigay in ku dhaw 400 oo qof.

Weerarkan masjidka Al-Aqsa ayaa dhacay ka dib markii masjikda Al-Aqsa ay gaareen kumaan qof oo reer Falastiin ah oo la filayey in ay halkaas ku cibaadeysanayeen.

Ciidamo aad u badan oo Israa’iiliyiin ah ayaa xoog ku galay barxadda Masjidka Aqsa, waxeyna adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaast caagga ah si ay u kala eryaan.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay ugu baaqday in la joojiyo qalalaasaha isla maarkasna la ilaaliyo goobaha taariikhiga ah ee ku yaala dhulka barakeysan ee Qudus.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israa’iil ay si buuxa oo toos ah masuul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay faraha ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israa’iil ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamaas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israa’iil “ay dusha saaran doonto masuuliyadda iyo cawaaqib xumada ka dhalata falka ay ku kaceen.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM