Sacuudiga oo kaliya sanadkan 2024 fuliyay 198 dil toogasho ah

Image
Tiradii ugu dambeysay ee dhaaftay heerarkii ugu badnaa waa 196 oo ah 2022 iyo 192 oo ah 1995.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa fuliyay tiraddii ugu badneyd ee dil toogasho ah in ka badan muddo sodon sano ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay tirokoobkii ugu dambeeyay, Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kaliya sanadkan 2024 waxay fulisay guud ahaan 198 dil toogasho ah.

Sida ay sheegtay Amnesty International, Sacuudiga ayaa kaalinta saddexaad kaga jira wadamadda dilka toogashadda ku fuliya maxaabiista ugu badan caalamka marka laga reebo Shiinaha iyo Iran sanadkii 2023.

Tiradii ugu dambeysay ee dhaaftay heerarkii ugu badnaa waa 196 oo ah 2022 iyo 192 oo ah 1995, sida laga soo xigtay kooxda xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay London, oo tirokoobka bilaabay 1990.

Amnesty ayaa ku eedaysay Sucuudiga in ay "baacsanayaan dil aan kala joogsi lahayn" iyadoo kooxda xuquuqul insaanka ay xaqiijisay 198 dil oo ka dhacay boqortooyada Khaliijka sanadkan.

Boqortooyada qaniga ku ah saliida ayaa la kulantay dhaleecayn joogto ah oo ku saabsan adeegsiga ciqaabta dilka, taasoo ay hay’adaha xuquuqul insaanka ku cambaareeyeen.

Hay'adda Amnesty ayaa talaabadan ku tilmaamay mid xad dhaaf ah oo ka baxsan dadaalka Sacuudiga uu ku doonayo inuu ku soo bandhigo muuqaal casri ah oo ku saabsan masraxa caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM