Sacuudiga oo Mareykanka uga digay howlgalka dhulka ee Israa’iil ka waddo Qasa

Image

Riyaad - Sacuudiga ayaa uga digay Mareykanka in howlgalka dhulka ah ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa uu “cawaaqib xun” ku yeelan doono Bariga Dhexe.

Wargeyska “New York Times” ayaa soo xigtay sarkaal Sacuudiyaan ah iyo ilo kale oo xog ogaal ah oo sheegay in saraakiisha sarsare ee Sacuudi Carabiya ay u gudbiyeen Mareykanka qoraallo ay uga digeen in howlgalka dhulka ay Israa’iiliyiintu doonaayaan uu isu beddeli doono musiibo ku faafta wadamada gobolka.

Sarkaal ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay inay iska caddahay in Sacuudiga uusan dooneyn duulaanka Israel ee Qasa, sidoo kale Sacuudiga ayaa digniintooda u gudbiyay xildhibaanada Mareykanka.

Koox ka kooban 10 Senetar oo Mareykan ah ayaa todobaadkii hore magaalada Riyaad kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Senetarka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida, oo ka mid ah kooxda aan kor ku soo sheegnay, ayaa wareysi uu siiyay New York Times ku yiri:

 "Hoggaanka Sacuudiga wuxuu rajeynayaa in laga fogaado howlgal dhulka ah si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka." isagoo intaa ku daray in saraakiisha Sacuudiga ay ka digeen in howlgalkaan uu keeni doono khasaare baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM