Sacuudiga oo shaacisay qorshe uu ka damacsan yahay Turkiga

Image
Qorshahan oo dhowaan la fulinayo ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah dowladaha Masar iyo Pakistan.

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqdey in ay kaalin weyn ka qaadan doonto dib-u-soo-nooleynta dhaqaalaha sida weyn u burburay ee waddanka Pakistan.

Wasiirka maaliyadda Sacuudiga Mohammed Al Jadaan oo hadalkan ka sheegay shir jaraa'id ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay in Riyadh ay talaabadan u kaashaneyso dalalka xulafadda la ah.

"Dowladda Sacuudiga waxay sii wadi doontaa taageerida Pakistan illaa ay awooda uga yeelato in dhaqaalaheeda uu kusoo laabto xaalada caadiga ah," ayuu hoosta ka xariiqay Al Jadaan.

Markii ugu dambeysay, Sacuudiga ayaa aduun lacageed dhan $3 bilyan wuxuu ugu deeqay Pakistan si ay uga soo kabato saameynta safmarka Covid-19 iyo keydka lacagaha qalaad.

Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa isha ku haysa inay maalgashi dheeri ah ku sameyso Masar, waxayna qorsheyneysaa inay heshiisyo ka bilowdo Turkiga, sidda laga soo xigtey Al Jadaan.

"Xiriirka aan la leenahay Turkiga aad ayuu u soo hagaagayaa, waxaana rajeyneynaa inaan helno fursado maalgashi," ayuu yiri. "Waxaan bilownay inaan si xoog leh u maalgashanno Masar".

Sacuudi Carabiya ayaa ku fikiraya 5 bilyan oo dollar ay ku shubaan bangiga dhexe ee Turkiga, sidda ay sheegtey wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay bishii hore, taasoo sare u qaadaysa dadaalka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in lacagta Lira ay noqoto mid xasiloon ka hor doorashooyinka madaxtinimo ee sanadka soo socda.

Marka la soo gebagebeeyo heshiiska oo heer gabogabo ah maraya, waxa uu dhalin doonaa isku soo dhawaansho soo afjari doonta colaaddii u dhaxeysay dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga.

Sanduuqa Maalgelinta Dawlada ee Sacuudiga ayaa eegaya in 10 bilyan oo doolar ku maalgeliyo daryeelka-caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo dhaqaalaha Masar, sidda ay horey uga dhawaajiysa Qaahira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM