Sacuudiga oo shaaciyay wadarta Xujeyda dhimatay sanadkan 2024

Image
Dadka dhintay ayaa ka kala yimid in ka badan 10 wadan oo ku kala fidsan Mareykanka ilaa Indonesia.

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay Axaddii in in ka badan 1,300 Xujey ah ay ku dhinteen xajka kuleyl daran darteeda. Inta badan dadka dhintay ayaan haysan sharciyo rasmi ah.

“Waxaa wax laga xumaado ah in tirada dhimashadu ay gaartay 1,301, iyadoo boqolkiiba 83 aan loo ogolayn inay xajka soo gutaan, waxayna soo mareen masaafo dheer oo qorraxda tooska ah, iyagoo aan haysan hoy iyo raaxo ku filan," ayay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa usbuucii hore soo xigatay bayaan rasmi ah iyo warbixino ka soo baxay dublamaasiyiin ku lug lahaa jawaabaha dalalkooda, waxay warisay in dhimashadu ka badan tahay 1,100.

Dadka dhintay ayaa ka kala yimid in ka badan 10 wadan oo ku kala fidsan Mareykanka ilaa Indonesia, waxaana dowladaha qaar ay sii wadaan inay cusbooneysiiyaan wadarta guud.

Heerkulka Mecca sanadkan ayaa sare u kacay ilaa 51.8 darajo Celsius (125 darajo Fahrenheit), sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada qaranka Sacuudi Carabiya taasoo soo saartey digniin aad u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM