Sacuudiga: Qaylo-dhaan laga soo saarey nin halis ugu jira dil

Image
Saud Al-Faraj, oo 42 jir ah, ayaa lagu helay bishii Juun 2021-kii in uu ka qeyb-qaatay mudaaharaad.

DOOXA, Qadar - Nin Sacuudi Carabiya u dhashay oo si firfircoon uga qayb qaatay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee 2011-kii ka dhacay gobolka Qatif ayaa halis ugu jira dil toogasho, sida ay ka digtay koox u dooda xuquuqda aadanaha.

Saud Al-Faraj, oo 42 jir ah, ayaa lagu helay bishii Juun 2021-kii in uu ka qeyb-qaatay mudaaharaadyada, maamulida koox argagixiso iyo dilka askar boolis ah iyo eedo kale.

Bishii October ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sidda ay sheegtay warbaahinta. Faraj wuu diiday eedaha lagu soo oogay, wuxuuna racfaan ka qaadanayaa xukunka lagu riday.

Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ESOHR oo matala Faraj ayaa ka walwalsan in la dili karo wakhti kasta, waxayna aaminsan yihiin inay jiraan tobanaan kale oo xukun dil ah lagu riday.

Laakin waxa ay sidoo kale ka walaacsan tahay in lagu soo oogo dil wadareed. ESOHR iyo kooxaha kale ee isha ku haya maxaabiista dilka ku xukuman ee Sacuudiga ayaa dalalka reer galbeedka ugu baaqay in ay soo farageliyaan kiisaskan.

Bishii Maarso, Boqortooyada Sacuudiga ayaa dil toogasho ah ku fulisay 81 qof hal maalin gudaheed, taasoo ka badan intii la dilay sanadkii lasoo dhaafay 2021 oo dhan.

Talaabadan ayaa timid aalmo uun ka hor markii Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson uu la kulmay Dhaxal sugaha Mohammed bin Salman. Saddex nin oo kale ayaa lagu fuliyay intii lagu guda jiray booqashadii Johnson.

Bishii la soo dhaafay, kadib 21-bilood oo uu hakad ku jiray dhaqankan, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa bilaabay in ay toogtaan maxaabiista lagu helay dambiyada mukhaadaraadka. Labaatan nin oo u badan ajaanib ayaa lagu dilay muddo labo todobaad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM