Saddex goobood oo Mareykanka ka beegsanayo Ruushka

Image
Washington ayaa aad uga baaraan-dagaysa ku dhawaaqida talaabooyinkan.

NEW YORK, USA - Safiirka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa Axaddii tilmaamtay saddex meelood oo Maraykanku uu qaadi karo tallaabooyin dheeri ah oo uu ku xoojinayo cadaadiska Ruushka, iyadoo dagaalka Ukraine uu kaga gudbay todobaadkii koowaad duqeyn diyaaradeed oo dhanka cirka ah.

Mamnuucidda soo dhoofsashadda saliidda Ruushka, ku dhawaaqida dembiyada dagaalka, iyo caawin fududaynta gaarsiinta diyaaradaha dagaalka Poland ee Ukraine ayay ku kala sheegtay saddexdaas goobood.

Iyadda oo ka jawaabaysa su'aallo lagu waydiiyey wareysi ay siisey ABC News ayay Thomas-Greenfield  daaha ka rogtay meelaha uu Maraykanku dib u eegis ku sameynayay hadii Moscow ay sii waddo "weerarka gardaradda ah".

Linda ayaa ku nuux-nuux-satay in madaxweyne Biden uu "kala hadlay xulafada NATO" mamnuucidda suurtagalka ah ee saliidda Ruushka gaar ahaan in ay soo dhoofsadaan "mustaqbalka fog iyo kan dhow".

"Madaxweynuhu wuxuu la-taliyayaashiisa gaarka ah, la-taliyayaashiisa ammaanka, iyo sidoo kale la-taliyayaashiisa tamarta, kala shaqeynayaa sidii arrimahan wax looga qaban lahaa," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in Aqalka Cad uu maanka ku hayo sida mamnuuciddan oo kale ay u saameyn karto qiimaha gaaska.

Diblumaasiga ugu sareeya Ameerika ayaa hoosta ka xariiqdey in Maraykanka uu "la-tashi dhow la yeeshay dawladda Poland, iyo sidoo kale xulafadayada kale ee NATO," fikradda ah fududaynta wareejinta diyaaradaha dagaalka ee xilligii Sofiyeedka ee Poland loona wareejiyo Ukraine.

"Sinaba kamaanu hor iman in dawladda Poland ay diyaaradahan siiso Ukraine, waxaanan ka shaqaynaynaa, sida aad xustay, si aan u aragno sidii aan dib ugu buuxin lahayn," ayay ku dartey, iyada oo tixraacaysa qorshe laga soo qorsheeyay in lagu soo diro F-16s Poland.

Maraykanku ayay tibaaxdey in uu "kala shaqaynayo asxaabteena si ay u ururiyaan oo ay u bixiyaan macluumaadka" dambiyada dagaal ee suurtagalka ah. "Weerar kasta oo lagu qaado dadka rayidka ah waa dambi dagaal," ayay tiri. Horraantii toddobaadkan, Biden wuxuu joojiyay inuu ku tilmaamo ficillada Ruushka kawado Ukraine "dambi dagaal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM