Safaarad dalka Sweden leeyahay oo dab la qabad-siiyey

Image

(GO)- Taageerayaasha hogaamiyaha lagu magacaabo Muqtada Al-Sadr ee Ciraaq ayaa dab qabadsiiyey safaaradda Sweden ee Baqdaad, barqanimadii maanta oo Khamiis ah.

Dhacdadan ayaa imaaneysa kadib kulan ka dhacay afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee ku taaalla dalka Sweden oo lugu damacsanaa in lagu gubo kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa subaxnimadii hore ee saakay xoog ku galay dhismaha safaaradda Sweden ee magaalada Baqdaad. Qiic ayaa ka kacay dhismaha safaaradda waxaana ku hareeraysanaa banaanbaxyaasha, ka hor intaanay booliisku imaan.

Ilaa hadda ma cadda hadii uu qof ku sugnaa gudaha safaaradda markii la weeraray. Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa dhankeeda sheegtay in shaqaalaha safaaradda ay nabad qabaan.

Xafiiska warfaafinta ee wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Ciraaq ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xafiisyada iyo shaqaalaha dublamaasiyadda.

Dhankeeda wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa cambaareysay dhacdadii lagu gubay safaaradda Sweden, waxayna sheegtay in dowladdu ay fartay hay’adaha awoodda u leh inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan arrintan, waxayna carrabka ku adkeeysay in la qaado tallaabooyin oo lugula xisaabtamo dadka ku lugta leh falkaas.

Weerarka lagu qaaday safaaradsa Sweden ee Baqdaad ayaa yimid kadib markii Booliska Sweden ay ogolaadeen qabanqaabada kulan ka dhici lahaa afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee magaalada Stockholm, halkaasi oo qofka qabanqaabiyey damacsanaa inuu gubo kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo calanka Ciraaq maanta oo Khamiis ah.

28-kii bishii June, qaxooti Ciraaqi ah oo ku sugan Sweden ayaa sidoo kale bogag ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubay afaafka hore ee masjidka ugu weyn magaalada Stockholm maalintii Ciidda Carafo. Tani waxay ku kaliftay taageerayaasha Al-Sadr inay xoog ku galaan safaaradda Sweden ee Baqdaad 29-kii June.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM