Safiirka Faransiiska dhawaan laga eryi Niger oo afka furtay

Image

PARIS - Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Niger, Sylvain Eté, oo ay dalka ka eryeen kooxihii afgambiga sameeyay 26-kii July, ayaa muujiyay dhibka uu kala kulmay toddobaadyo go'doon ah oo uu ku jiray gudaha xarunta safaaradda ee Niamey.

Eté waxa uu yiri, "Afgambigani marka hore waa arrin gudaha NIger ah oo u dhaxaysa madaxweyne go'aansaday in uu la dagaallamo musuqmaasuqa iyo tiro jeneraalo ah oo aan doonayn in dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa uu guuleysto."

Sida uu dhigayo go’aan cayrin ah oo ay soo saareen ciidanka talada haya dhamaadkii Agoosto, diblumaasiga Faransiiska ayaa laga eryi lahaa dalka isla marka uu ka baxo safaaradiisa.

Faransiiska ayaa markii hore go’aansaday inuusan u hoggaansami doonin amarkan cayrinta ah, isagoo sheegay inay aqoonsan yihiin oo keliya dowladdii sharciga ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Bazoum oo afgambiga lagu riday.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa go’aansaday Axadii lasoo dhaafay inuu ku dhawaaqo soo laabashada danjirihiisii ​​u joogay Niger iyo bixitaanka 1,500 oo askari oo Faransiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM