Sanduuqa Madow ee diyaaradii Air Asia oo la helay

Image

January 12, 2015 (GO)- Kooxihii ku howlanaa baadigoobka diyaarad shirkadda Air Asia lahayd oo labo todobaad kahor ku dhacday badda Java ayaa sheegay inay heleen qalabka duuba xogta duulimaad ee diyaaradaha ee loo yaqaan Sanduuqa Madow.

Diyaaradda oo 162 qof la socdeen nooceeduna ahaa Airbus A320-200 waxay soo dhacday December 28, 2014 wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Surabaya ee dalka Indonesia iyadoo ku sii jeedey wadanka Singapore. 

Bambang Soelistyo oo ah madaxa kooxaha baadigoobka wadey ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la helay Sanduuqa Madow kaasoo lagu rajo weyn yahay in laga ogaado xog badan oo ku saabsan sababta keentay in diyaaraddaasi burburto.

Intii lagu guda jirey sanadkii hore ee 2014, saddex shil oo  ku dhowaad 700 oo qof ku geeriyoodeen ayaa soo wajahay shirkadda Air Asia oo laga leeyahay dalka Indonesia. 

March 8, 2014 waxaa burburtay diyaarad shirkaddaasi lahayd oo 239 qof la socdeen taasoo ka duushay Kuala Lumpur  kuna sii jeedey Beijing, sidoo kale bishii July 2014 diyraad kale oo Air Aisa  leedahay ayaa lagu soo ridey bariga dalka Ukrine oo xilligaas dagaalo ka socdeen, 289 qof ayaana shilkaas ku geeriyoodey.

Air Asia oo bixisa tikidho qiimahoodu jaban yahay, waxay kamid tahay shirkadaha duulimaadka ee ugu waaweyn guud ahaan dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM