Saraakiil iyo askar Israa'iiliyiin ah oo lagu dilay koonfurta Qasa

Image
Tirada askarta ku dhimatay Qasa tan iyo 27-kii October waxa ay gaartay 200 oo askari.

Qasa (GO) - Warbaahinta Israel ayaa ku dhawaaqday dilka 21 isugu jira saraakiil iyo askar Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa koonfurta Marinka Qasa, ka dib markii gantaal lala beegsaday laba dhismo oo ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Israa’iil oo doonayay in walxaha qarxa ay ku xiraan labo dhismo si ay u qarxiyaan ayaa gantaal RPG lagu riday, kaasoo sababay in ay qarxaan walxaha ay ciidanku aaseen, labada dhismena ay ku soo dumaan askarta.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday tirada askarta ku dhimatay dagaallada ka socda marinka Qasa tan iyo markii uu bilowday howlgalkii dhulka dabayaaqadii bishii October.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa bayaan uu siiyay wakaaladda wararka ee France-Presse ku yiri, “Tirada askarta ku dhimatay Qasa tan iyo 27-kii October waxa ay gaartay 200 oo askari.”

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday in ay ciribti doonaan Xamaas ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar oo horseeday in Israel laga dilo ilaa 1,140 qof.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM