Sarkaal Falastiini ah oo lagu dilay gudaha Lubnaan

Image

(GO)- 6 qof ayaa ku geeriyooday tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib iska hor imaadyo kooxaha falastiiniyiinta ku dhex maraya xerada qaxootiga ee, "Caynu Al-Xuluw" ee dalka Lubnaan.

Xeradaan oo ku taala koonfurta dalka Lubnaan ayaa waxaa ka dhisan kooxo Falastiiniyiin ah oo hubeysan iyaga oo ku dhex dagaalamay gudaha xerada.

Sarkaal falastiini ah ayaa ku jira dadka dhintay iyada oo sidoo kale ciidamada Lubnaan uu hal sarkaal kaga dhaawacmay.

Ciidamada Lubnaan ayaan gudaha u gelin xeryaha ay Falastiiniyiintu ku jiraan xiliyada ay dagaaladu ka dhex socdaan iyaga oo u daaya amniga kooxo Falastiiniyiin hubeysan oo halkaasi amnigooda suga.

Qaramada midoobay ayaa diiwaan-gelisay in Lubnaan ay ku sugan yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah oo gaaraya 450 kun oo qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM