Sarkaal lagu helay dhacdo gilgishay Mareykanka oo la xukumay

Image
Alexander Kueng oo qirtey fal-dambiyeedkan ayaa waxa uu xabsi ku jiraa muddo saddex sano iyo bar ah.

WASHINGTON, USA - Askari hore oo ka tirsan booliiska Minneapolis oo qoorta uga jilba-joogsadey nin madow ah, George Floyd, ayaa lagu xukumay saddex sano iyo bar oo xarig ah kadib markii lagu dilay geerida ruuxaas.

Alexander Kueng waxa uu qirtay danbiga ay dawladdu ku soo oogtay ee ah caawinta iyo gacan ka hadalka dilka darajada labaad ee October. Wuxuu kamid ahaa afar sarkaal oo kasoo muuqdey muquaal aad u faafay.

Dhimashadda Floyd ayaa waxay dhalisay caro caalami ah iyo mowjado mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo cadaalad darada isir-naceybka iyo arxan-daradda booliiska.

Kueng ayaa ku dhameysan doona xukunkiisa cusub dacwadaha looga soo jeediyey gobolka xilli ay jiraan xukuno kale oo ay horey ugu riday maxkamad federaal oo ah ku xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Mr Floyd.

Bishii Abriil 2021, sarkaal hore oo bilays ah Derek Chauvin ayaa lagu helay dambi ah dil kadib markii uu qoorta uga  jilba joogsaday Mr Floyd in ka badan sagaal daqiiqo waxaana lagu xukumay 22 sano iyo badh oo xabsi ah.

Wuxuu xukunkaas si isku mid ah u qaadanayaa 20 sano oo xarig ah oo lagu soo oogay eedeymo xuquqda madaniga ah ee federaalka, kaas oo uu qirtay dambiga Diseembar 2021.

Bishii Febraayo, Kueng, oo ay weheliyaan laba sarkaal kale, Thomas Lane iyo Tou Thao, ayaa sidoo kale lagu helay eedeymaha xuquuqda madaniga ah ee federaalka.

Saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si ula kac ah u danaynayeen dhibaateynta caafimaadka Mr Floyd intii lagu jiray isku daygoodii ahaa in ay xirana balse sababay in ay nolosha u aqoonsadaan Floyd taasoo gilgishay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM