Saudi Arabia: labo askari oo lagu diley weerar ismiidaamin ah

Image

January 5, 2015 (GO)- Labo sarkaal oo ka tirsanaa militeriga Saudi Arabia ayaa ku dhintay mid kalena wuu ka dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo goor hore oo saaka ah ka dhacay xadka uu dalkaasi la wadaago Iraq.

Af-hayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha Saudi Arabia oo lagu magacaabo Mansuur Turkey ayaa sheegay in weerarku ahaa mid argagixiso oo ay soo qaadeen dhowr nin oo midkood walxaha qarka isku soo xiray.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray in ciidamadu dileen labo kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday mid kalena nolosha ku qabteen, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin intaas ka badan bixiyo.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Saudi Arabia ayaa baahiyey in labada sarkaal ee weerarkaas lagu diley midkood ahaa taliyihii ciidamada ilaada xuduudaha ee gobolada waqoooyi Col. Cawdah Al-balawi.

Dalka Saudi Arabia oo xuduud laleh todoba dal wuxuu cabsi weyn ka qabaa inay usoo gudbaan kooxaha Al-qaacida xiriirka laleh ee ka dagaalamaya dalalka Yemen iyo Iraq gaar ahaan kooxda Daacish (IS).

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM